Shaxaha Rasmiga Ah Ee Lille vs Chelsea โ Lukaku Oo Lumiyey Kalsoonida Tuchel, Iyo Kai Oo Kusoo Bilowday.
Kooxda horyaalka naadiyada Yurub difaacanaysa ee Chelsea ayaa ku sugan Faransiiskaย oo ay marti ugu tahay Lille oo ay lugtii hore ku garaacday 2-0, waxaana uu tababare Thomas Tuchel raadinayaa guul ay niyaddaย ciyaartoydiisu sare ugu soo kacdo kaddib toddobaad ay xaalad adag ku jireen oo ay haysatay hadal-haynta xayiraadda Roman Abramovich.
Xiddiga reer Germany ee Kai Havertz ayaa hoggaaminaya afka hore ee weerarka, halkakyadka la dhigay Romelu Lukaku oo u muuqda inuu lumiyey kalsoonida tababaraha. Christian Pulisic ayaa weerarka ku wehelinaya Havertz, waxaana khadka dhexe ka caawinaya Mateo Kovacic, Jorginho, NโGolo Kante, Azpilicueta iyo Alonso, halka difaacana ay wada taagan yihiin saddexda ciyaartoy ee Thiago Silva, Antonio Rudiger iyo Andres Christensen.
Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood
Chelsea XI:ย Mendy; Christensen, Thiago Silva, Rudiger; Azpilicueta, Kante, Jorginho Kovacic, Alonso; Pulisic, Havertz.
Kaydka:ย Kepa, Bettinelli, Chalobah, Kenedy, Sarr, Mount, Loftus-Cheek; Vale, Lukaku, Werner, Ziyech.
Lille XI:ย Jardim, รelik, Fonte, Botman, Djalo, Bamba, Andre, Xeka, Gudmundsson, Yilmaz, David.
Kaydka:ย Grbic, Raux, Ben Arfa, Lihadji, Gomes, Weah, Zhegrova, Onana, Bradaric






