Madaxweyne Cirro oo Booqday Xuska 9/11 ee Pentagon-ka, Xusuustana Muujiyey Dhibbanayaashii Weerarka
0 Comments
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa booqday National 9/11 Pentagon Memorial ee dalka Maraykanka, oo lagu xuso 184-kii qof ee ku dhintay weerarkii argagixiso ee 11-kii Sebtembar 2001 lagu qaaday xarunta Pentagon-ka.
Madaxweyne Cirro ayaa goobta ku maamuusay xusuusta dhibbanayaashii weerarka, isaga oo sheegay in Somaliland, 25 sano kadib, ay weli xasuusan tahay dadkii ku naf waayey weerarradii 9/11.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale muujiyey garab-istaagga Somaliland ee shacabka Maraykanka iyo sida ay uga go’an tahay iskaashiga iyo dagaalka caalamiga ah ee ka dhanka ah argagixisada.

