Talyaaniga oo Xoojinaya Dedaallada Looga Hortagayo Tahriibka, Soomaaliduna Qayb ka Tahay Qulqulka
Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay in ay xoojinayso dedaallada ay uga hortagayso qulqulka tahriibayaasha, kuwaas oo ay qayb ka yihiin Soomaali, iyadoo bilihii lasoo dhaafay uu kordhay tirada dadka isku dayaya in ay gaaraan xeebaha Talyaaniga, halka qaar kalena ay ku dhinteen badda iyaga oo aan gaarin hadafkii ay u safreen.
Mas’uuliyiin ka tirsan Talyaaniga ayaa sheegay in ay dib u soo cusboonaysiinayaan wadahadalladii ay la lahaayeen dalalka ku yaalla Waqooyiga Qaaradda Afrika, kuwaas oo intooda badan ay tahriibayaashu kasoo gudbaan, si loo xakameeyo socdaalka sharci-darrada ah ka hor inta aysan dadkaasi raacin doomaha.
Xukuumadda Roma ayaa sidoo kale sheegtay in ay jiraan dedaallo liita oo lagu wajahayo la socodka dhaqdhaqaaqa tahriibayaasha, iyadoo qaar ay ku guulaysteen in ay gudaha u galaan Talyaaniga, halka qaar kalena ay ku dhinteen biyaha Badda Mediterranean-ka.
Muuqaallo toddobaadyo ka hor ku faafay baraha bulshada ayaa muujinayay dad ku qarqamay badda kaddib markii doontii ay la socdeen ay rogmatay, inkastoo aan si dhab ah loo ogaan sababta keentay in doontu roganto.
Dadkii la badbaadiyay ayaa la geeyay xeryo qaxooti oo ku yaalla Talyaaniga, halkaas oo loo sameeyay soo dhaweyn, daryeel caafimaad iyo dib u dejin. Ilaa hadda, ma jirto warbixin faahfaahsan oo si rasmi ah loo soo bandhigay oo ku saabsan halista ay dadkaasi la kulmeen intii ay ku jireen safarka badda.






