Israa’iil oo Taageertay Qorshaha Itoobiya ee Saldhig Joogto ah oo Badda Cas ah
Maamulka Israa’iil ayaa ku biiray dhinacyada taageeraya dadaallada Itoobiya ay ugu raadinayso saldhig joogto ah oo ay ka hesho Badda Cas, sida uu sheegay Danjiraha Israa’iil ee Addis Ababa, Avraham Neguise, oo asal ahaan kasoo jeeda Itoobiya.
Danjiraha ayaa sheegay in Itoobiya ay tahay dal aan lahayn marin badeed, isla markaana aanay lahayn ciidan-badeed, sidaas darteedna ay u baahan tahay sidii ay u heli lahayd marin ay kaga gaadho Badda Cas.
Avraham Neguise ayaa sidoo kale sheegay in haddii Itoobiya ay hesho saldhig joogto ah oo ku yaalla Badda Cas, arrintaasi aanay noqon doonin guul ay Addis Ababa keligeed gaadhay, balse ay noqon doonto guul ay wadaagaan dhinacyada iyo isbahaysiga taageeraya qorshahaas.
Wareysi uu siiyay Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA, Safiirka Israa’iil ee Itoobiya ayaa carrabka ku adkeeyay in helitaanka saldhig badeed ay gacan ka geysan karto xaqiijinta danaha Israa’iil ee Geeska Afrika iyo dalalka Carabta ee ku teedsan Badda Cas.
Itoobiya ayaa hore u diyaarsatay ciidamo badeed, hase yeeshee weli si rasmi ah uma shaacin dalka ay doonayso inay ka hesho saldhigga. Itoobiya waxay xuduud dhuleed la wadaagtaa Soomaaliya, Jabuuti, Ereteriya iyo Suudaan, taas oo ka dhigaysa arrinta helitaanka marin badeed mid xasaasi ah oo saamayn ku yeelan karta amniga iyo siyaasadda gobolka.






