https://www.premierbank.so/

โ€œWaan Fashilmayโ€:- Ancelotti Oo Kashifay Khaladkii Uu Sameeyay Ee Bur-Burisay Kooxdiisa Kulankii El Clasico.

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa sheegay in uu xiddiga Luka Modric ka ciyaarsiiyay Weeraryahanka beenta ah kulankii El Clasico isaga oo si weyn ugu fashilmay qorshahaas.

โ€œWaxa aan doonaynay in aan kubada haysano in badan iyada oo Modric ka ciyaarayo weerarka laakiin may shaqaynโ€Ancelotti ayaa yidhi ciyaarta kadib.

โ€œBarcelona ayaa naga fiicnaydโ€ayuu tababaruhu sii raaciyay.

โ€œAniga ayaa iska lahaa khaladka, waan raali galinaaa taageerayaasha, wax walba oo aan damacsanaa ma shaqaynโ€.

โ€œSi fiican uma qorshayn kulanka, waxa aan khasaarinay kulan muhiim ah sidaas darteed aad ayaan uga xumahayโ€.