https://www.premierbank.so/

Ralf Rangnick & Sir Alex Ferguson Oo Isku Khilaafsan Tababaraha Cusub Ee Man United.

Tababaraha ku meel gaarka ah ee Manchester United Ralf Rangnick iyo Sir Alex Ferguson ayaa isku khilaafsan tababaraha noqon doona midka joogtada ah ee kooxda Man United.

Taasi waa sida laga soo xigtay Daily Mail oo soo wariyay in labadooduba ay leeyihiin fikrado ka duwan cidda noqon doonta tababaraha xiga.

Sida laga soo xigtay ilo wareedyo, Sir Alex Ferguson ayaa doonaya in Mauricio Pochettino loo magacaabo tababaraha cusub ee Man United halka Rangnick doonayo in la magacaabo Erik ten Hag.

Manchester United ayaa dooneysa inay si sax ah u hesho Tababarohooda cusub marka loo eego in ay kooxdu ku fashilantay in ay ku guulaysato koobab tan ilaa markii uu Ferguson ciyaaraha ka fadhiistay.

Man United ayaa wadahadalo la qaadatay tababarayaasha Mauricio Pochettino iyo Erik Ten Hag waxana la filayaa in ay maalmaha soo socoda magacawdo tababaraha cusub ee kooxda.

https://www.premierbank.so/