Paul Merson Oo Qiimeeyay Fursadaha Liverpool Ee Ku Guulaysiga Horyaalka Kadib Guushii Arsenal.
Xiddigii hore ee Arsenal Paul Merson ayaa aaminsan in ayna Liverpool wali ugu cad-cadayn ku guulaysiga horyaalka inkasta oo ay guul ka gaadheen Arsenal Arbacadii.
Kooxda Klopp ayaa hal dhibic u jirta Man City kadib guushii ay ka gaadheen kooxda Arsenal Arbacadii iyaga oo haatan dib u furay tartanka horyaalka premier Leageu.
Inkasta oo ay Liverpool hal dhibic u jirto Man City hadana Liverpool ayaa bisha dambe la ciyaari doonta kooxda ay ku xafiiltamayaan horyaalka kulan goโaamin kara horyaalka
Merson oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhiโMan City ayaa wali ah kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga horyaalka premier League, wali waxba isma badalinโ.
โLiverpool waa in ay badiso kulanka Man City sababta oo ah wali waxa ay ka dam beeyaan Man City waxana ay aadi doonaan garoonkoodaโayuu sii raaciyay.
โHadii ay Man City badiso kulan walba oo u dhiman isla markaas ay bar-baro la gasho kulanka Liverpool waxa ay ku guulaysan karaan horyaalka premier Leagueโ.






