https://www.premierbank.so/

Mushaharka Waallida Ah Ee Manchester City Ay Kusoo Xerogelisay Erling Haaland Iyo Isbeddelka Ku Imanaya Xiddigaha Ugu Mushaharka Badan Premier League.

 

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa Erling Haaland ka dhigaysa ciyaartoyga ugu mushaharka badan guud ahaan horyaalka waddanka  Ingiriiska ee Premier League, haddii uu kusoo biiro xiddigan reer Norway.

Manchester City ayaa la sheegay inay hoggaaminayso tartanka loogu jiro Erling Haaland, waxaanay wararka qaarkood tibaaxayaan inay si toos ah u wada hadleen oo ay gaadheen heshiis hordhac ah.

Salaasadii shalay ayay warbaahinta Ingiriiska qaarkood qoreen, in Erling Haaland uu u sheegay Manchester City inay bixiyaan lacagta lagu burburin karayo qandaraaskiisa Borussia Dortmund oo ah £63 milyan oo Gini, wax caqabad ah oo kale oo xayiraysaana aanay jirin marka laga reebo heshiiskiisa shaqsiga ah ee dhinacyada mushaharooyinka iyo lacagta uu dalbanayo wakiilkiisa iyo aabbihii.

21 jirkan ayaa noqon doona ciyaartoyga ugu mushaharka badan horyaalka Premier League haddii uu yimaaddo Manchester City, waxaanay kooxdani diyaar ula tahay inay toddobaadkii jeebadda ugu shubto lacag kor u dhaafaysa £500,000 Gini.

Erling Haaland oo go’aankiisa kama dambaysta ah gaadhi doona dhamaadka bishan aynu ku jirno ayaa waxay wararku sheegayaan in Man City ay kaga bixi doonto £100 milyan oo Gini, waxaana dheeraan doona mushaharkiisa usbuuclaha ah ee noqonaya £500,000 Gini, waxaanu dhaafi doonaa Kevin de Bruyne oo ay City toddobaadkii siiso £385,000 toddobaadkii.

Waxa kale oo uu dhaafi doonaa Cristiano Ronaldo oo ah laacibka ugu mushaharka badan horyaalka Premier League, toddobaadkiina ka qaata Manchester United £425,000 Gini.

 

 

 

 

https://www.premierbank.so/