https://www.premierbank.so/

Jurgen Klopp Oo Shaaciyey LABA Ciyaartoy Oo Kooxdiisa Ka Tegi Doona Iyo Sababta Oo Uu Faahfaahiyey.

 

Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa xaqiijiyey, in aanay suurtogal ahayn inuu sii haysto laba ka mid ah ciyaartoydiisa marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan socda, waxaana uu sharraxaad  ka bixiyey sababta ay uga tegayaan naadigiisa.

Liverpool ayaa awoodi doonta inay sii ahaato koox awood badan sida uu sheegay Klopp, hase yeeshee waxa uu sii macasalaamayn doonaa laba ciyaartoy oo midkood uu heshiiskiisu dhamaanayo midka kalena uu diiddan yahay in uu kooxda sii joogo duruufo jira awgeed.

Tababaraha reer Germany ayaa tan iyo markii uu yimid Anfield October 2015, waxa uu soo urursaday xiddigo waaweyn, sida Mohamed Salah iyo Virgil van Dijk oo lagu tilmaamo inay ka mid yihiin xiddigaha ugu wanaagsandunida waqtigan, hase yeeshee waxay hadal hayn ka taagan tahay mustaqbalka Salah oo aan wali ogolaanin inuu heshiis cusub saxeexo.

Luis Diaz oo uu kusoo daray kooxdiisa bishii January, £50 milyan oo Gini na kagala soo wareegay FC Porto ayaa sii xoojiyey weerarka kooxda ee ay kula midaysan yihiin Salah, Sadio Mane, Roberto Firmino iyo Diogo Jota.

Imaatinka Diaz waxa uu daaqadda ka saaray labada ciyaartoy ee Divock Origi iyo Takumi Minamino oo marka horeba ay aad u yarayd fursadda ay ku ciyaaraan, waxaanay labadan ciyaartoyba ka tegi doonaan Liverpool marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan socda sida uu sheegay Klopp.

“Run ahaantii waan isku dayi doonaa in aanu sii haysano, laakiin way adag tahay in Divock iyo Taki aanu joojino.” Ayuu yidhi Klopp.

Sababta ay labadan ciyaartoy uga tegayaan kooxdiisa ayuu ku sheegay inay tahay, in ay doonayaan inay helaan waqti badan oo ciyaareed, kooxdiisana aanay ka dhex arkayn.

 

 

 

 

 

 

https://www.premierbank.so/