https://www.premierbank.so/

Maxaa Ka Qaldamay Mikel Arteta Kulankii Crystal Palace Ay Xasuuqa U Geysatay Arsenal?

 

Arsenal ayaa halis gelinay kaalinteedii afraad ee horyaalka Premier League, waxaanay ku jirtaa kaalinta shanaad iyadoo kulamadii baaqiga u ahaa dheeshay marka laga reebo hal kulan oo kaliya.

Crystal Palace ayaa 3-0 ku garaacday Arsenal, waxaanay u ahayd guul-darradii labaad ee saddex ciyaarood gudahood soo gaadha Gunners, waxaana hore u garaacday Liverpool ka hor intii aanay ku nafisin Aston Villa oo farxaddeedii ay ka burburisay Crystal Palace.

Mikel Arteta ayaa u safartay Sulhurst Park iyadoo shan ciyaarood oo isku xiga oo marti ay ahayd soo guuleysatay, isla markaana soo dhalisay 14 gool, waxaanay u ahayd markii koowaad ee ay sidaas sameeyaan sannado badan, hase yeeshee rajadii ay kusii wadan karayaan guulahaas waxa ka burburisay Crystal Palace.

Guul-darradan ugu dambaysay ayaa fursad u noqonaysa Tottenham oo wali sii haysata kaalinta afraad iyo Manchester United oo saddex dhibcood oo kaliya ka dambaysa.

Halyeygii xulka qaranka England ee Jamie Carragher ayaa sharraxaad ka bixiyey wixii ka qaldamay Mikel Arteta ee sababta u noqday guul-darrada kasoo gaadhay Crystal Palace, waxaanu yidhi: “Waxay ahayd in mar horeba la saaro Nuno Tavares oo iska lahaa qaladka goolka labaad. Waa in aynu qirno in uu Ayew dhaliyey gool wanaagsan, laakiin haddii aad tahay ciyaartoy da’yar, waa in aad noqoto mid adag oo si fiican u fikira, waana in aad mar walba ka war-hayso ciyaartoyga kugu xiga, haddii kale waxa aad noqonaysaa dulli. Tavares wuu iska istaagay sababtooo ah wuxuu u malaynayay in Gabriel kubadda dhexda ka jaray, laakiin Ayew wuxuu sii watay orodkiisa.”

22 jirkan ayuu Mikel Arteta beddelay waqtigii nasashada, waxaana uu dhinaca bidix ka ciyaarsiiyey Granit Xhaka, taas oo abuurtay in ay ciyaartoodu sare usoo kacdo qaybtii labaad.

Qaladka ugu weyn ee uu sameeyey Arteta ayaa ahaa in uu kusoo bilaabay Tavares oo beddelay Tierney oo dhaawac kaga maqnaa ciyaarta.

 

 

 

https://www.premierbank.so/