https://www.premierbank.so/

HORDHAC: Man City v Atletico Madrid – Guardiola Oo Taariikh Madaw Ku Leh Simeone, Xiddigaha Kala Maqan & Xogta Kulanka

 

Kaddib markii ay wareegan midkii ka horreeyay Champions League kaga cidhib tireen Manchester United, Atletico Madrid ayaa markana isku diyaarinaysa sidii ay meel ku saari lahayd kooxda kale ee magaalada Manchester ee Man City.

Kooxda tababare Pep Guardiola ayaa wareegii hore isku geyn labadii kulan 5-0 kaga soo guuleysatay Sporting Lisbon halka ay xiddigaha uu Diego Simeone hormoodka u yahay 2-1 uga soo adkaadeen Man United isku darka natiijooyinkii labadii ciyaarood.

Kulankan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay ee ay abid tartan ku kulmaan Man City iyo Liverpool balse maaha markii koowaad ee ay CL isku arkaan Diego iyo Pep iyadoo macalinka ree Argentina ku reebay Guardiola Bayern Munich xilli ciyaareedkii 2015-16.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Man City ayuu kulankii ugu dambeeyay ganaax kaga maqnaanayaa daafaca midig ee Kyle Walker oo wali maraya ciqaabtii maqnaanshaha saddex kulan kaddib casaan uu qaatay ciyaartii ugu dambaysay Group-yada ee RB Leipzig.

Dhibaatooyinka daafac ee Guardiola haysta ayaan intaas ku ekayn balse waxa sidoo kale dhaawac ku maqnaanaya daafaca dhexe ee Ruben Dias walow uu diyaar yahay John Stones oo kulankii Burnley keydka kusoo bilawday sababtoo ah taxadar loo samaynayay maadaama oo uu xulka England dhaawac fudud kala soo laabtay.

City ayaan ahayn kooxda kaliya ee ciyaartan ka caban karta ganaaxyo balse waxa dhinaca Atleti isaguna ganaax ku maqnaan doona kulankiisii ugu dambeeyay Yannick Carrasco halka Koke iyo Correa ay kasoo laabanayaan ganaaxyo ay horyaalka ku seegeen kulankii ugu dambeeyay.

Soo laabashada Koke iyo Correa ayaa ka dhigan in labada xiddig ee kaliya ee Atletico ka maqnaan doona ay yihiin daafaca dhexe ee Jose Gimenez iyo khadka dhexe ee Hector Herrera iyadoo sidoo kale ay diyaar yihiin Renan Lodi iyo Rodrigo De Paul.

Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Manchester City: Ederson; Cancelo, Laporte, Stones, Zinchenko; Silva, Rodri, De Bruyne; Mahrez, Foden, Sterling

Atletico Madrid: Oblak; Savic, Hermoso, Reinildo; Llorente, De Paul, Kondogbia, Koke, Lodi; Griezmann, Felix

Xogta Kulanka

Tartanka: Champions League

Garoonka: Etihad Stadium

Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Istvan Kovacs

 

 

https://www.premierbank.so/