https://www.premierbank.so/

Lionel Messi Iyo Neymar Oo Ka Cadhaysan Qorshaha PSG Ay Ku Xajisanayso Kylian Mbappe

 

Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa qorshaynaysa in ay Kylian Mbappe u bandhigto heshiis cusub oo waqti dheer ah, lacag badanna uu ku helayo, kaas oo loogu darayo kabtanimada naadiga oo looga qaadayo Marquinhos haddii uu aqbalo inuu sii joogo.

Kylian Mbappe oo 23 jir ah ayuu qandaraaskiisa PSG ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan socda, waxaana la sheegayaa inuu ka tegi doono Parc des Princes oo uu si xor ah ugu wareegi doono Real Madrid, hase yeeshee PSG ayaan rajada dhigi doonin illaa inta uu laacibkani si cad u shaacinayo go’aankiisa.

Qorshaha cusub ee ay u bandhigtay ee ah in lacag badan, sannado badan iyo kabtanimada ay PSG iskugu darto Kylian Mbappe ayaa waxa uu qolka labbiska ka abuurayaa buuq iyo xaalad deggenaansho la’aan ah, waxaana ka cadhoonaya arrintaas Lionel Messi iyo Neymar Jr.

Messi oo aya da’diisu tahay 34 jir iyo Neymar oo 30 jir ah ayaa la sheegay in aanay ogolaan doonin in Mbappe oo 23 jir ahi uu kabtan u noqdo, waxaanay doonayaan in midkood loo dhiibo masuuliyadda haddii laga wareejiyo Marquinhos oo ahaa kabtanka kooxda tan iyo September 2020.

Wargeyska L’Equipe ayaa shalay qoray, in Mbappe uu ka helayo kooxdiisa dalab weyn oo ay la socoto masuuliyadda kabtanimada, hase yeeshee aanay illaa hada kooxdu si dhab ah u ogoyn go’aanka uu ka qaadan doono.

Mbappe oo sannadkii 2017 ay PSG 180 milyan oo Euro kaga soo iibsatay Monaco ayaa 209 kulan oo uu u dheelay waxa uu u dhaliyey 160 gool, waxaanu kula guuleystay 10 koob oo ay ku jiraan saddex horyaal oo Ligue 1 ah.

Ciyartii ay xalay 5-1 ku karbaasheen Lorient ayuu Kylian Mbappe ku lug yeeshay dhamaan shanta gool, isaga oo laba dhaliyey saddexna caawiyey, waxaana tirada goolasha dhamaan tartamada ee xilli ciyaareedkan socda uu u saxeexay PSG ay noqonayaan 28 gool.

 

 

https://www.premierbank.so/