https://www.premierbank.so/

Xiddigii Mucjisada Ku Sameeyey Labada Daqiiqadood, Ceebtii Soo Gaadhay Garoonka & Qiimaynta Ciyaartoyda Kulankii Man City Ku Garaacday Atletico Madrid

 

Gool uu Kevin de Bruyne u dhaliyey dhamaadka ciyaarta oo ay 20 daqiiqadood ka hadhsan yihiin ayaa Manchester City ku hoggaamiyey guul 1-0 ah oo ay ka gaadhay Atletico Madrid lugta hore ee wareegga siddeedda tartanka Champions League.

Xiddiga reer Belgium ee De Bruyne ayay ahayd goolkiisii 13aad ee uu dhaliyo xilli ciyaareedkan, waxaana uu kooxdiisa ka caawiyey inay lug lasii gasho wareegga semi-finalka oo ay kaliya u baahan tahay in ciyaarta Wanda Metropolitano ay shabaqeeda ilaashato.

Diego Simeone ayaa iska diiday inuu gacan-qaado Pep Guardiola markii ay ciyaartu dhamaatay, waxaanu isaga oo cadhaysan galay qolka labbiska.

Ceebtii raacday Atletico Madrid

Kooxda reer Spain ayaa awoodi weyday in ay hal mar kubadda ku toogato goolka Manchester City qaybtii hore, waxaanay ahayd mid kubadda marba dhinac u eryanaysa oo jihadu ka lunsan tahay. Afka hore ee weerarka Atletico oo uu hoggaaminayay Antoine Griezmann ayaa iska taagnaa, waxaana kubadda soo gaadha dhinacyada ka galayay difaaca Man City oo si degdeg ah uga qaadanayay.

45kii daqiiqadood ee hore ee ciyaarta ayaanay Atletico xataa hal mar goolka Man City ku aaddinin kubadda.

Xiddigii garoonka ee labada daqiiqo mucjisada ku sameeyey

Xiddiga da’da yar ee reer  England ee Phil Foden waxa uu ciyaarta ku jiray 22 daqiiqadood oo kaliya, haddana waxa uu noqday laacibkii sababta u ahaa guusha kooxdiisa.

Foden ayaa laba daqiiqadood oo kaliya markii uu garoonka ku jiray waxa uu sameeyey caawin cajiib ah, waxaana uu sidoo kale sameeyey kubbado kale oo u dhowaaday, hase yeeshee xiddiga garoonka ayuu ku guuleystay Kevin de Bruyne oo dhaliyey goolka, ciyaartana dhamaystay.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood

Man City: Ederson (6), Cancelo (7), Stones (7), Laporte (7), Ake (7), Rodri (6), Gundogan (7), De Bruyne (8), Mahrez (6), Bernardo Silva (7), Sterling (6).

Beddelka: Jesus (6), Grealish (7), Foden (9).

Atletico: Oblak (6), Vrsalkjo (7), Savic (7), Felipe, Reinildo (7), Renan Lodi (8), Llorente (7), Koke (7), Kondogbia (7), Griezmann (6), Felix (6).

Beddelka: De Paul (6), Correa (6), Cunha (6), Lemar (n/a).

 

 

 

 

https://www.premierbank.so/