https://www.premierbank.so/

XASAASI: Xog Cusub Oo Kasoo Korodhay Mustaqbalka Kylian Mbappe & Real Madrid Oo War Dhiilo Leh Heshay

 

Waxa warbixino cusub laga qorayaa mustaqbalka Kylian Mbappe ee kooxda Paris Saint-Germain oo mudo dheer lala xidhiidhinayay Real Madrid xilli uu ugu dambayn heshiiskiisa Parc des Princes yahay mid dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Sida ay sheegayaan badi saxaafada kala duwan ee caalamku, Mbappe ayaa ku biirayay Real Madrid marka uu furmo suuqa xagaagu balse wararkii ugu dambeeyay ayaa ah kuwo aragtidaas khilaafsan.

Sida uu sheegay il-wareedka France Bleu, dhammaan dhinacyada kala duwan ee ku lug leh arrimaha heshiis kordhinta Mbappe ayaa kalsooni weyn ku qaba in 23 sano jirkaasi uu heshiis cusub qalinka ugu duugi doono Paris oo uu dhabarka u jeedin doono Los Blancos.

Warsidahaas ayaan wax faahfaahin ah oo intaas ka badan samayn balse horraantii toddobaadkan ayay ahayd markii ay xogo kale sheegayeen in heshiiska cusub ee Kylian lagu darayo in laga dhigo kabtanka PSG.

PSG ayaa ahayd mid markasta kalsooni ku qabtay inay heshiis cusub ku qancin karto Mbappe, sida uu sheegayo ESPN, Real Madrid ayaa dalabaad waaweyn ka gudbisay xiddigii hore ee Monaco suuqii xagaaga ee 2021 balse Paris ayaa diiday dalab 160 Milyan oo euro ahaa xilli aysan ka jawaabin mid 200 Milyan oo euro ahaa.

Dhawaan kaddib kulankii ay guusha 5-1 ka ah ka gaadheen Lorient ayuu Mbappe sheegay inuusan wali wax go’aan ah ka gaadhin mustaqbalkiisa oo uu isku dayayo inuu go’aanka ugu fiican qaato.

Heshiiskii dhicisoobay ee uu Madrid ugu biiri lahaa xagaagii hore ayaan wax saamayn ah ku yeelan Mbappe xilli ciyaareedkan isaga oo ah xiddiga ugu fiican PSG walow uu Lionel Messi ugu yimid sidoo kalena uu horeba usii joogay Neymar.

Mbappe ayaa 38 kulan oo uu xilli ciyaareedkan metelay kooxda macalin Mauricio Pochettino ayaa 28 gool iyo 20 caawimo soo sameeyay tartamada oo dhan.

 

 

https://www.premierbank.so/