https://www.premierbank.so/

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa

Barcelona isku daygeeda ah saxeexa xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ah mid ay curyaaminayan sharciyada dhaqaalaha ee horyaalka La Liga. (Mirror)

Liverpool ayaa Real Madrid tartan kagala kulmi doonta saxeexa khadka dhexe ee Borussia Dortmund ee Jude Bellingham. (Bild – subscription required)

Leeds United ayaa 80 Milyan oo euro ku xidhay iibka garabkeeda Raphinha balse Barcelona oo uu bartilmaameed u yahay ayaa kaliya kala badhka qiimahaas la diyaar ah. (Mirror)

Leeds ayaa sheegtay in qoddobka kaliya ee dhigaya in Raphinha uu kooxda ka tagaa uu dhaqan gali doono haddiiba ay Premier League hoos uga dhacaan. (The Athletic)

Manchester United, Liverpool iyo Newcastle ayaa dhammaantood xagaaga xiisaynaya garabka kooxda Porto ee Otavio. (A Bola – in Portuguese)

Arsenal iyo Atletico Madrid ayaa ku tartami doona saxeexa weeraryahan Lautaro Martinez oo ay Inter Milan iibin doonto xagaaga haddiiba ay 58 Milyan oo pound ku hesho. (Calciomercato – in Italian)

Paulo Dybala ayaa doonaya inuu Atletico Madrid ku biiro xagaaga, walow ay sidoo kale Inter Milan xiisaynayso ayay kaliya awoodi doontaa saxeexiisa haddiiba ay iibiso Martinez. (Mundo Deportivo – in Spanish)

Liverpool ayaa heshiis buuxa la gaadhay 19 sano jirka kooxda Fulham ee Fabio Carvalho oo ay saxeexiisa qarka u fuushay suuqii January. (Football Insider)

Arsenal ayaa diyaarinaysa dalabkii koowaad ee ay heshiis kordhin kaga doonayso Bukayo Saka. (Fabrizio Romano)

Nicolas Pepe ayaa qisha inuu xagaaga ka tagi karo Arsenal saddex sano kaddib markii uu heshiiska 72-ka Milyan ee pound ah ugaga yimid Lille. (Sun)

Leicester City ayaa lala xidhiidhinayaa weeraryahanka Club Brugge ee Charles de Ketelaere oo 41 kulan 17 gool kusoo dhaliyay isla markaana dhawaan kulankiisii shanaad ee xulka Belgium kahor tagay Republic of Ireland. (Leicester Mercury)

Khadka dhexe ee Maraykanka ah ee Brenden Aaronson ayaa wali doonaya inuu xagaaga ka tago kooxdiisa Red Bull Salzburg waxaana socda wadahadalada uu ugu biirayo Leeds. (Sky Sport Germany)

Newcastle United ayaa bartilmaameed ka dhiganaysa oo daawanaysa garabka Watford ee Ismaila Sarr. (Sun)

Wolves, Tottenham iyo Everton ayaa xiiso u muujiyay tababaraha kooxda Rennes ee Bruno Genesio. (RMC Sport – in French)

Manchester United ayaa diyaar u ah inay wadahadalo heshiis kordhin ah la furto xiddigaheeda Marcus Rashford iyo Luke Shaw. (ESPN)

Man United ayaan wax heshiis kordhin ah kala hadli doonin Jesse Lingard, Juan Mata iyo Edinson Cavani. (Fabrizio Romano)

Napoli ayaa rajaynaysa inaysan qaab bilaash ah ku waayin oo ay heshiis cusub ka saxeexato daafaceeda dhexe ee Kalidou Koulibaly. (Calciomercato – in Italian)

Barcelona ayaa Real Madrid kula tartamaysa saxeexa daafaca bidix ee kooxda Arsenal ee Kieran Tierney. (Sunday Post, via Football.London)

Arsenal ayaa hoggaaminaysa tartanka garabka xulka Netherlands ee Cody Gakpo oo ka tirsan PSV Eindhoven. (Voetbal International – in Dutch)

Leeds ayaa indho indhaynaysa khadka dhexe ee Man United ee James Garner oo wacdarro ku dhigaya heshiis amaah ah oo uu Nottingham Forrest amaah ugu maqan yahay. (Mail)

Borussia Dortmund ayaa xiisaynaysa weeraryahanada Chelsea iyo Manchester United ee Timo Werner iyo Anthony Martial. (90Min)

Barcelona ayaa muhiimada koowaad siinaysa saxeexa daafaca Chelsea ee Cesar Azpilicueta. (Mundo Deportivo – in Spanish)

https://www.premierbank.so/