https://www.premierbank.so/

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga & Waxa Ay Wargeysyadu Qoreen Maanta Oo Isniin Ah

 

Aston Villa ayaa riixi doonta heshiiska 60-ka Milyan ee pound ah ee ay xagaaga Leeds United kaga doonayso khadka dhexe ee Kalvin Phillips. (Telegraph – subscription)

Leicester City ayaa ka fikiraysa inay iska iibiso oo lacag ka samayso kubad sameeyaheeda James Maddison. (Mail)

Borussia Dortmund weeraryahankeeda Erling Braut Haaland ayaa dhammaadka bishan April go’aamin doona kooxda uu ku biirayo Barcelona, Real Madrid amaba Man City. (Sport – in Spanish)

Manchester United bartilmaameedkeeda Manuel Akanji ayaa doonaya inuu Borussia Dortmund iskaga tago waxaana uu ka fikirayaa u dhaqaaqista Premier League. (Sport1)

Barcelona ayaan doonayn bixinta dhaqaalaha uu dalbanayo Antonio Rudiger balse kulan kale la qaadan doonta daafaca sida bilaashka ah kaga tagaya Chelsea xagaaga. (Sport – in Spanish)

Barcelona ayaa doonaysa inay heshiis cusub la meel dhigto Ronald Araujo oo xidhiidh ka helay Man United balse 23 sano jirkaas ayaan ku qancin xidhiidhada ay kooxdu la samaysay xiddigaha daafaca dhexe ee Chelsea ee Antonio Rudiger iyo Andreas Christensen oo ay isaga la heshiisayba. (Sport – in Spanish)

Gareth Bale ayaa kamida tiro xiddigo ah oo Real Madrid laga dirayo xagaagan. (Marca)

Arsenal iyo Tottenham ayaa xiisaynaya Lautaro Martinez balse Inter Milan ayaa weeraryahankaas kaliya iibin doonta haddii ay hesho dalab 80 Milyan oo euro ka badan. (Calciomercato – in Italian)

West Ham ayaa heshiis cusub oo xilli ciyaareedka dambe ah ku abaalmarin doonta goolhayaheeda Lukasz Fabianski oo 36 sano jir ah. (Mail)

Aston Villa ayaa isku dayi doonta inay si rasmi ah u iibiso Anwar El Ghazi xagaaga balse Everton ayaan qorshaynayn inay rasmi ka dhigto heshiiskiisa amaahda ah ee uu kula joogo haatan. (Football Insider)

Derby County ayaa qiimo fiican ku heli karta iibka goolhayaha 15 sano jirka ah ee Jack Thompson oo ay xiisaynayaan Manchester City, Tottenham iyo Chelsea. (Sun)

Newcastle ayaa diyaarinaysa dalab 20 Milyan oo pound ah oo ay ku doonayso goolhayaha Brighton ee Robert Sanchez xilli ay sidoo kale isha ku hayaan garabka Watford ee Ismaila Sarr. (Sun)

Everton ayaa Allan bixitaan u ogolaan doonta xagaaga walow uu sanad kale ka hadhay heshiiska 31 sano jirkaas. (Sun)

Henrikh Mkhitaryan oo heshiiskiisa AS Roma dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkan ayay kooxdaasi toddobaadkan wadahadalada heshiis cusub la furi doontaa. (Fabrizio Romano on Twitter)

 

 

 

 

https://www.premierbank.so/