https://www.premierbank.so/

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa

 

Manchester United ayaa diyaar u ah inay jabiso rekoodhkeeda suuqa si ay ula soo saxeexato khadka dhexe ee West Ham United ee Declan Rice oo 23 sano jir ah. (90 Min)

Manchester United ayaa ka shaqaynaysa heshiis ay kula soo wareegayso khadka dhexe ee Leeds ee Kalvin Phillips. (Manchester Evening News)

Man United ayaa lix ciyaartoy u sheegtay inay ka baxaan kooxdeeda xagaagan. (Mirror)

Manchester United ayaa rag usoo daawada u dirtay garabka Villarreal ee Arnaut Danjuma kulankii uu goolka ka dhaliyay Bayern Munich habeen hore, 25 sano jirkaas ayaa sidoo kale bartilmaameed u ah Liverpool. (Mail)

Brazil ayaa diyaar u ah inay tababare Pep Guardiola mushahar weyn usoo bandhigto si uu u noqdo tababaraha xulkaasi. (Marca)

Everton tababaraheeda Frank Lampard ayaa haysta kalsoonida mulkiile Farhad Moshiri iyo boodhka kooxdaas walow ay Toffees hal dhibic ka sarreeyaan boosaska horyaalka lagaga dhaadhaco. (Mail)

Newcastle iyo West Ham ayaa xagaaga doonaya saxeexa weeraryahanka Union Berlin ee Taiwo Awoniyi. (Sun)

Arsenal, Manchester United iyo Tottenham ayaa loo sheegay inay 67 Milyan oo pound bixiyaan haddii ay doonayaan inay weeraryahan Darwin Nunez kala soo wareegaan Benfica. (Express)

Arsenal ayaa xiisaynaysa daafaca dhexe ee Aston Villa ee Ezri Konsa. (Football Insider)

Wolves ayaa u dooratay khadka dhexe ee Sporting ee Joao Palhinha bedelka saxda ah ee Ruben Neves haddii uu ka tago xagaaga. (GiveMeSport)

Leeds United iyo Brighton ayaa xiisaynaya weeraryahanka bilaashka kaga tagaya Arsenal xagaaga ee Eddie Nketiah. (Ekrem Konur – Fichajes)

RB Leipzig daafaceeda Josko Gvardiol ayaa bartilmaameed u ah Tottenham. (Athletic)

Aston Villa ayaa xiiso u muujisay khadka dhexe ee Brighton ee Yves Bissouma. (Football Insider)

Spurs ayaa doonaysa inay heshiis uu kooxda dib ugu soo laabanayo xagaaga la gaadho khadkeedii dhexe ee Christian Eriksen oo haatan Brentford jooga. (iNews)

Newcastle tababaraheeda Eddie Howe ayaa sheegay in Allan Saint-Maximin uu mustaqbal ku leeyahay kooxda walow bixitaan lala xidhiidhinayo. (90 Min)

Newcastle ayaa xiisaynaysa weeraryahanka xagaaga bilaashka kaga tagaya Juventus ee Paulo Dybala. (Corriere dello Sport – in Italian)

Fulham 19 sano jirkeeda Fabio Carvalho, ayaa heshiis la gaadhay Liverpool. (Fabrizio Romano)

Barcelona iyo Wolves ayaa ku heshiin kara inay is-dhaafsadaan xiddigaha ay amaahda ku kala haystaan ee Adama Traore iyo Trincao. (Birmingham Mail)

Atletico Madrid weeraryahankeeda Luis Suarez ayaa wadahadalo kula jira kooxaha Turkey-ga ah ee Fenerbahce iyo Besiktas. (AS – in Spanish)

Bayern Munich dhaliyaheeda Robert Lewandowski ayaa doonaya heshiis saddex sano ah haddii uu Barcelona ku biirayo xagaagan. (Sport – in Spanish)

Paris St-Germain ayaa ka fikiraysa inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Everton ee Richarlison. (Calciomercato – in Italian)

Tottenham daafaceeda midig ee Emerson Royal ayaa sheegay in Atletico Madrid ay xiisaynaysay xagaagii. (Cadena Ser – in Spanish)

Real Betis ayaa qorshaynaysa inay Arsenal la furto wadahadalo ay heshiiska amaahda ah ee Hector Bellerin rasmi kaga dhigayso. (Mundo Deportivo – in Spanish)

Manchester United weeraryahankeeda Marcus Rashford ayaa joogaya kooxdaas balse waxa indho-indhaynaya xaaladiisa kooxaha kala ah Paris St-Germain, Atletico Madrid iyo Barcelona haddii uu go’aansado inuu baxo. (Sun)

Villarreal ayaa Tottenham la yeelatay wadahadalo ay doonayso inay heshiiska amaahda ah ee Giovani Lo Celso gaadhsiiso ilaa xilli ciyaareedka dambe. (Fabrizio Romano)

 

 

https://www.premierbank.so/