https://www.premierbank.so/

WAR CAD: Carlo Ancelotti Oo Farta Ku Fiiqay Shaqsiga Ka Masuulka Ah Guuldarradii Cuslayd Ee Kooxdiisa Ku Gaadhay EL-Clasico.

 

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa ka hadlay guuldarradii weyneyd ee kooxdiisa xalay kasoo gaadhay kooxda uu xifaaltanka baโ€™ani ka dhaxeeyo ee Barcelona.

Kulankaas oo ahaa midkii ugu horreeyay ee uu Xavi Hernandez macalin ahaan horyaalka La Liga ugaga hortago Real Madrid iyo midkii u horreeyay ee uu Santiago Bernabeu macalin ahaan u tago ayuu qabi ahaanba curyaamiyay taatiko kasta oo uu ruugcaddaaga Talyaaniga ahi soo dagay.

Real Madrid ayaa wali 12 dhibcood ka sarreysa Barcelona walow ay kooxda Catalan-ka ahi haysato hal kulan oo u baaqi ah isla markaana ay sagaal dhibcood kusoo koobi karto farqiga.

Si kastaba, Ancelotti oo kulankaas kaddib saxaafada la hadlay ayaa sheegay inuu ciyaartoyda u sheegay inuu masuuliyada guuldarradaas weyn iyo qaladkeedaba isagu qaadayo.

Carlo ayaa kulanka kaddib yidhi โ€œMaanu ahayn kuwo la aqoonsan karo, waxkasta way qaldameen, waxaan u sheegay ciyaartoyda in (Guuldarradaas) ay ahayd qaladkaygaโ€.

Mid kamida dhacdooyinka kulankaas ee hadal haynta dhaliyay ayaa ahaa in Pierre Emerick Aubameyang uu taako xoogan ku qabtay Toni Kroos daqiiqadii 11-aad ee ciyaarta balse aan xataa kaadh digniin ah la siin.

Ancelotti oo dhacdadaas ka hadlaya ayaa yidhi โ€œAnigu ma fahmayo balse kama hadli doono sababtoo ah ma doonayo inaan marmarsiiyo samaysto, waxaanu u ciyaarnay si aad u xun kulankana waxaanu ku qaabilnay si aad u xunโ€.