https://www.premierbank.so/

Waakan Macalinka Aan Cidina Filayn Ee Ay Real Madrid Magacaabi Karto Haddii Shaqada Laga Caydhiyo Carlo Ancelotti.

Real Madrid ayaa bedeli karta tababaraheeda haatan ee Carlo Ancelotti haddiiba ay qaab niyad jab leh ku dhammaysato xilli ciyaareedkan 2021-22 ee mudada koobani ka hadhay.

Los Blancos ayaa sagaal dhibcood ku haya hoggaanka horyaalka La Liga halka ay wareega siddeeda ee Champions League joogaan. Guushii soo laabashada ahayd ee ay PSG kaga reebeen CL ayaa ah sumadooda xilli ciyaareedkan ilaa haatan.

Haddaba, sida uu sheegayo wargeyska Le10Sports, Real Madrid ayaa tababare u magacaabi karta halyeeyga kooxdeeda ahna macalinka da’yarteeda Castilla ee Raul Gonzlez haddiiba ay go’aansadaan inay Ancelotti diraan.

Intaas waxa dheer in saxafi Mario Cortegana oo ka hawl-gala wargeyska Marca uu sheegayo in madaxweyne Florentino Perez uu kulan lasii qaatay Raul iyagoo ka wada hadlay suurogalnimada uu macalinka xiga ee Madrid ku noqon karo.

https://www.premierbank.so/