https://www.premierbank.so/

Soomaaliya oo muddo 30 sano ah kaddib marti gelineysa ciyaar heer caalami ah

Ciyaariyahanada labaatan jirada xulka qaranka Soomaaliya ayaa ciyaar saaxiibtinimo Muqdisho kula ciyaari doona dhigooda dalka Eritrea 16-ka bishaan febraayo.

Ciyaartan ay Soomaaliya martigelin doonta ayaa noqon doonta ciyaartii ugu horeysay oo caalami ah oo Soomaaliya lagu ciyaaro tan iyo 1988-kii.

Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed Cabdiqani Siciid Carab ayaa xaqiijiyay martigelinta ciyaartan taariikhiga ah oo lagu qaban doona garoonka Koonis oo ku yaalla Koonfurta magaalada Muqdisho.

Xulka qaranka Soomaaliya ayaa ciyaaraha uu martigelinayo ku ciyaari jiray dalka Jabuuti sababo la xiriiray ammaanka Muqdisho balse haatan xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa aaminsan in ay Soomaaliya diyaar u tahay martigelinta ciyaaraha caalamiga ah iyo kuwa gobolka oo ay kamid yihiin tartamada ciyaaraha Bariga iyo bartamaha Afrika ee Sakaafa.

“Wax aan qorsheyneynaa inaan mustaqbalka dhow martigelinno tartamada ciyaaraha gobolka” ayuu yiri Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed oo wareysi siinayay idaacadda BBC isagoo intaasi sii raaciyay “wax aan heysanaa amni la isku haleyn karo haatan”.

Garoonka ugu weyn Soomaaliya ee loo yiqaano tuulada ciyaaraha Muqdisho ayaa waxaa ku socda dayactir iyo dib u habeyn xoog leh sida ay wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha sheegtayna sanadkan dhamaadkiisa ayaa dib loo furi doonaa waxaana ugu horeyn si tijaaba ah lagu qaban doonaa tartamada ciyaaraha maamul goboleedyada dalka.

Dowladda Norwey ayaa maalgelineysa mashruuca dayactirka tuulada ciyaaraha Muqdisho kaas oo ay horay u dhistay sanadkii 1978-kii.

Ciyaartii ugu danbeysay ee caalami ah wax ay Soomaaliya Muqdisho ku martigelisay xulka qaranka Muriishiyoos tartan looga jiray usoo bixidda tartanka olombikada aduunka.

Amni darradii ka jirtay Soomaaliya ayaa sababay in aanay Soomaaliya awood u helin martigelinta tartamada ciyaaraha ee heer kasta.

https://www.premierbank.so/