https://www.premierbank.so/

RASMI: UEFA Oo Shaacisay Garsooraha Kulanka Adag Ee Chelsea vs Real Madrid

 

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa shaaciyey garsooraha ay u doorteen inuu dhexdhexaadiyo kulanka adag ee Chelsea vs Real Madrid ee lugta hore ee wareegga 16ka tartanka Champions League oo Arbacada ka  dhici doona garoonka Stamford Bridge.

Kooxda koobka Champions League difaacanaysa ee Chelsea ayaa qaabbili doonta Real Madrid oo xilli ciyaareedkii hore ay ku garaacday semi-finalka, waxaana isku dhacoodan xiise gaar ah u yeeli doona tababare Carlo Ancelotti oo dib ugu noqonaya garoonkiisii Stamford Bridge ee uu koobabka ku qaaday.

Garsooraha Faransiiska ah ee Clement Turpin ayaa loo magacaabay inuu ciyaartan qabto, waxaanay noqon doontaa markii afraad ee uu dhexdhexaadiye ka noqdo ciyaar ay Real Madrid dheelayso oo Real Madrid ah.

Clement Turpin ayaa markii ugu horreysay ee uu garsooro ciyaar ay Real Madrid dheelayso, waxay ahayd xilli ciyaareedkii 2014/15 oo wareeggii groupyada uu u garnaqay Los Blancos iyo Ludogorets, kulan ay kooxda reer Spain 4-0 ku badisay. Ciyaartii labaad ee uu u qabtayna waxay Real Madrid la ciyaartay AS Roma wareeggii group-yada xilli ciyaareedkii 2018/19, waxaana 2-0 ku badisay Real Madrid.

Kulanka saddexaad ee uu tababarahani u qabtay Real Madrid ayaa ahayd xilli ciyaareedkii 2020/21, kulan ay Real Madrid 3-2 kaga adkaatay Inter Milan oo ka dhacay garoonka Alfredo Di Stefano kana mid ahaa wareegga group-yada ee Champions League.

Clement Turpin ayay Arbacada u noqon doontaa ciyaartiisii afraad ee Real Madrid ay dheelayso ee uu qabto, waxaana la filayaa in ay noqoto ciyaar si aad ah ay awood jidheed u isticmaalaan ciyaartoyda labada kooxood, wax kastana ay samayn doonaan labada dhinac si midkooda itaal roonaada uu ugu gudbo semi-finalka.

 

 

 

https://www.premierbank.so/