https://www.premierbank.so/

Muxuu Yahay Rikoodhka Khaaska U Ahaa Romelu Lukaku Ee Uu Harry Kane Jabinayo Sabtida?

 

Weeraryahanka reer England ee Harry Kane ayaa soo qabban doona oo barbarrayn doona rikoodh gool-dhalinta Premier League ah oo khaas u ahaa Romelu Lukaku marka Tottenham Hotspur ay waajahdo Aston Villa.

Harry Kane ayaa dib u helay bandhiggiisii ugu fiicnaa oo bilowgii xilli ciyaareedka hooseeyey, waxaana 29 ciyaarood oo uu saftay uu dhaliyey 12 gool iyo lix gool oo kale oo uu caawiye ka noqday.

Kabtanka xulka qaranka England ee Kane ayaa ku biir doona liiska ciyaartoyda dhibaatadii ugu xumayd ku abuuray kooxda tababare Steven Gerrard ee Aston Villa, waxaana uu 28 jirkani uu goolal ka dhaliyey saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee Premier League ee uu Villa Park tegay, isaga oo afar gool ka dhaliyey.

Haddii Harry Kane uu gool ka dhaliyo Aston Villa Sabtida, waxa uu noqon doonaa ciyaartoiygii labaad ee taariikhda Premier League goolashii ugu badnaa ee xidhiidh ah ka dhaliya, waxaanay u noqon doontaa ciyaartiisii afraad ee uu soo taabto shabaqa Aston Villa.

Weeraryahanka Chelsea ee Romelu Lukaku ayaa hore sidan oo kale u sameeyey oo afar ciyaarood oo isku xiga goolal ka dhaliyey Aston Villa, xilligii uu joogay Manchester United iyo inta uu kusoo laabtay Chelsea, waxaana  ciyaartiisii ugu dambaysay ee uu shabaqooda soo taabto ay ahayd Boxing Day 2021.

Tottenham ayaa haddii ay guuleysato waxay sii xajisan doontaa kaalinta afraad ee  horyaalka Premier League oo ay hadda ku jirto, kaddib markii ay Arsenal guul-darro la kulantay ciyaarteedii Isniintii ee Crystal Palace oo saddex gool oo jawaab la’aan ah laga dhaliyey.

Aston Villa oo ku jirta kaalinta 11aad ee horyaalka Premier League ayaa iyaduna haddii ay guuleysato waxay kusoo siqi kartaa illaa kaalinta sagaalaad ee miiska kala-sarraynta horyaalka Premier League

 

 

https://www.premierbank.so/