https://www.premierbank.so/

MURUGO: Dunida Kubadda Cagta Oo La Murugoonaysa Geerida Goolhaye Miguel van Damme Oo 28 Jir Ahaa

Goolhayaha reer Belgium ee Miguel van Damme ayaa geeriyooday isaga oo 28 jir ahaa, kaddib muddo uu la halgamayay xanuunka halista badan ee Leukaemia oo ah nooc ka mid ah Kansarka oo ku dhaca lafaha iyo unugyada dhiigga, waxaana uu ka tegay ilmo yar oo gabadh ah iyo xaaskiisii.

Bishii September ee sannadkii 2020 ayuu Miguel van Damme sheegay in markii saddexaad uu xanuunka kansarku kusoo laabtay, isla markaana uu gaadhay heer aan la daaweyn karin.

Laba jeer oo hore ayaa laga daaweeyey xanuunkan, balse ugu dambayntii waxa uu gaadhay heer aanay cidina waxba ka qaban karin, waanu u geeriyooday, sida ay saaka xaqiijisay xaaskiisa Kyana Dobbelaere oo qoraal ku daabacday barteeda bulshada ee Instagram.

Kyana ayaa qoraalkeeda ku sheegtay, in gacaliyaheedii qaaliga ahaa, ahaana aabbaha inanteeda, in uu u baxay ciyaartii ugu dambaysay oo ahayd mid aanu badin karayn, waxaanay xustay inuu si tartiib-tartiib ah dunida u macasalaameeyey.

Wargeyska kasoo baxa waddanka Belgium ee Sporza ayaa sheegay in Van Damme loo sheegay, in nooca kansarka ah ee ku dhacay aanu daawo lahayn laba maalmood ka hor intii aanay dhalanin inantiisa Camille bishii May 2021.

Kooxda uu Van Damme u ciyaari jiray ee Cercle Brugge oo uu u saftay 40 ciyaarood ayaa iyaduna xaqiijisay warkan, waxaanay sheegtay, in uu yahay warkii ugu xumaa ee muddo 123 sannadood ah oo ay kooxdani jirtay soo maray.

https://www.premierbank.so/