https://www.premierbank.so/

Maxaa Xalay Ku Dhacay Sergio Ramos Ee Sababay In Uu Qoomameeyo Ku Biiristiisii PSG?

 

Sergio Ramos ayay u ahayd habeen murugo oo isaga u gaar ah, waxaana uu ka qoomamooday sabbabta uu xagaagii sida bilaashka ah ugu wareegay kooxda reer France ee Paris Saint-Germain.

36 jirkan ayaa dib ugu soo laabtay garoomada oo uu laba bilood dhaawac kaga maqnaa, waxaanay u ahayd ciyaartiisii koowaad ee muddo 60 maalmood ah uu garoonka lugta soo geliyo, hase yeeshee taageereyaasha ayaa hurdo la’aan ku riday markii ay ku ooriyeen bilowgii ciyaarta iyo mar kasta oo uu kubadda taabto.

Jamaahiirta PSG ayaan cafinin Sergio Ramos oo ku jira xilli ciyaareedkiisii ugu adkaa, waxaanay ku qaylinayeen mar kasta oo lugtu ay kubaddiisa soo gasho intii ay socotay ciyaartii ay xalay 5-1 ku garaaceen Lorient oo uu Kylian Mbappe laba gool dhaliyey, saddexna caawiye ka noqday.

Sergio Ramos ayaa saftay kulankiisii lixaad ee uu u ciyaaro Paris Saint-Germain xilli ciyaareedka oo dhan, waxaanay taageereyaashu ugu cadhaysan yihiin in sababtii uu u yimid naadiga aanay ka arkin.

Sidan oo kale ayay jamaahiirta PSG ugu ooriyeen Lionel Messi iyo Neymar markii ay kooxdoodu sida xun ugaga hadhay tartanka Champions League oo ay Real Madrid ku garaacday Santiago Bernabeu, waxaana ciyaartaas ka maqnaa Ramos oo hore ugu sii hanjabay kooxdiisa hore.

Ruug-caddaaga reer Spain ayaa isaga oo dhaawac ah tegay PSG waxaana uu maqnaa bilihii ugu horreeyey halka markii uu soo laabtayna uu haddana dib ugu noqday dhaawacyo muruqa ah oo ragaadiyey.

Xulka qaranka Spain oo uu rajo ka qabay inuu u ciyaari doono Koobka Adduunka ee dhamaadka sannadkan lagu qabanayo waddanka Qatar ayaa haatan u muuqda in ay rajadaasi soo dhamaatay.

 

 

https://www.premierbank.so/