https://www.premierbank.so/

Liverpool Oo TAARIIKH Cusub Dhigtay, Lugna Lasii Gashay Semi-finalka Champions League Iyo Man City Oo Guul Cidhiidhi Ah Gaadhay Atletico

 

Kooxaha Ingiriiska ah ee Liverpool iyo Manchester City ayaa lug lasii galay wareegga semi-finalka ee tartanka Champions League, kaddib guulo ay ka gaadheen Benfica iyo Atletico Madrid.

Liverpool ayaa waqti horeba shaqaysatay oo laba gool la timid, hase yeeshee qaybtii labaad ayay Benfica ka faa’iidaysatay qalad uu sameeyey Ibrahima Konate oo ahaa geesiga goolasha u furay Reds, iyadoo dhamaadkiina uu Luis Diaz gool qurux badan usii raaciyey, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 3-1.

Difaaca reer France ee Ibrahima Konate ayaa daqiiqaddii 17aad ee bilowga ciyaarta waxa uu madax awood  badan ku qabtay kubbad koorne ahayd oo uu dhinaca midig kasoo laaday Andy Robertson, waxaana midka labaad raaciyey Sadio Mane oo hadiyad ka helay Luis Diaz.

Ciyaar ay Mohamed Salah iyo Sadio Mane lug rogi waayeen oo ay ka muuqatay in ay sooman yihiin ayay Reds kusoo heshay guul iyadoo marti ah, waxaanay qaybtii labaad ka badbaadeen in lagu dhigo rikoodhe kaddib markii uu Virgil van Dijk xerada ganaaxa dhexdeeda ku riday laacibka goolka madiga ah u dhaliyey Benfica ee Darwin Nunez.

Dhamaadka ciyaarta oo ay saddex daqiiqadood oo kali ahi ka hadhsanayd ayuu Naby Keita kubbad caajiib ah difaaca u dhaafiyey weeraryahanka reer Colombia ee Luis Diaz oo goolhayaha dhinaca ka dhigtay, lugta bidixna ku dhamaystiray.

Naby Keita oo ahaa mishiinka khadka dhexe ee Liverpool ayaa ka sokow caawinta uu sameeyey waxa uu bilowgii ciyaarta kubbad halis ahayd lugta bidix ku toogtay goolka, waxaana si dhib badan ku joojiyey goolhaye Odisseas Vlachodimos.

Diogo Jota ayaa daqiiqadihii ugu damabeeye ciyaarta waxa uu khasaariyey kubbad uu la hor tegay goolhaye Odisseas, si la mid ah sidii uu Mohamed Salah sameeyey qaybtii hore ee ciyaaarta oo uu isaguna goolhayaha dhaafin kari waayey kubadda.

Guushan ay Liverpool gaadhay ayaa waxay ahayd middii shanaad ee xidhiidh ah ee iyadoo marti ah ay kasoo hoyso horyaalka naadiyada Yurub ee Champions waxaanay sidaas ku barbarraysay rikoodhkii abid ugu fiicnaa ee kulamo isku-xiga oo iyadoo marti ah ay soo hoyso, waxaanay sidan samaysay hal mar oo kaliya oo ahayd xilli-ciyaareedkii 1983-84kii.

 

Liverpool ayaa lugta labaad ee wareegga semi-finalka waxay usbuuca dambe ku qaabbili doontaa Benfica oo ugu tegi doonta Anfield, waxaanay caawa sii xaqiijisatay inay lug lasii gashay wareegga xiga  ee semi-finalka.

 

Dhinaca kale, Manchester City ayaa guul cidhiidhi ah ka gaadhay Atletico Madrid oo marti ugu ahayd Etihad Stadium, waxaanay kaga badisay 1-0, iyadoo uu goolkaasna u dhaliyey Kevin de Bruyne oo caawin heersare ah ka  helay Phil Foden oo beddel kusoo galay.

 

Ciyaarta oo ay inteeda badan maamulanaysay Manchester City ayay marar badan u dhowaatay inay goolal dhaliso, sidaas oo kalena waxa fursado iska lumisay Atletico Madrid oo Antoine Griezmann uu awoodi waayey inuu goolka gaadhsiiyo kubbad uu kala soo baxsaday difaacyahannada laakiin orod lagu soo gaadhay isaga oo dhexda sii socda.

 

Goolka uu De Bruyne dhaliyey daqiiqaddii 70aad ee ciyaarta oo ahaa midkii 13aad ee uu dhaliyo xilli ciyaareedkan ayaa Man City siiyey fursad fiican oo ay ku tegi karto wareegga semi-finalka, waxaase uga horreysa in usbuuca soo socda ay Wanda Metropolitano ugu tagto Atletico Madrid oo iyadana ay ka go’an tahay inay jidkii Man United oo kale mariso.

 

Diego Simeone ayaa diiday inuu salaamo Guardiola  markii ay ciyaartu dhamaatay maadaama uu ka cadhaysnaa sida liidata ee ay kooxdiisu u ciyaartay. Atletico ayaa u muuqanaysay in aanay diyaar u ahayn in ay gool dhaliso ciyaarta, isla  markaana ay jiid-jiid iyo xagxagasho kaliya kusoo talo-gashay.

 

Man City ayaa waxa ciyaarta labaad ganaax kaga maqnaan doona Gabriel Jesus oo kaadh casaan ah qaatay, laakiin taasi wax badan ma yeeli doonto tababare Pep Guardiola oo haysta  ciyaartooyo badan oo uu kala xusho.

 

https://www.premierbank.so/