https://www.premierbank.so/

HORDHAC: Benfica v Liverpool – Taariikhda Labada Kooxood Isku Leeyihiin, Shaxaha Macquulka Ah & Xogta Kulanka

 

Kaddib markii loo sameeyay isku aad ay jamaahiirta kooxdeedu u arkeen midkii ugu fududaa ee ay heli karayeen, Liverpool ayaa caawa marti ku ah gegida Estadio Da Luz iyaga oo booqanaya kooxda ree Portugal ee Benfica.

Reds ayaa wareegii hore ee tartankan kasoo adkaaday Inter Milan oo ay isku geynta labada ciyaarood 2-1 kaga soo guuleysteen halka ay Benfica labadii kulan isku dar 3-2 uga soo talaabsatay Ajax.

Labadii wakhti ee ugu dambeeyay ee ay kulmeen labada kooxood ayay Benfica guul 3-0 ah labadii lugood gaadhay kulan ahaa Champions League wareegiisa 16-ka xilli ciyaareedkii 2005-06 halka kulan Europa League ahaa oo ay wareega siddeeda isku arkeen xilli ciyaareedkii 2009-10 ay Liverpool 5-3 ku gudubtay isku geyn.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Tababare Nelson Verissimo ayaan wax dhaawacyo ah oo cusub kooxdiisa Benfica ku qabin, waxa dhaawac mudo dheer ah kaga maqnaanaya Lucas Verissimo, Rodrigo Pinho ayaa isaguna dhaawac muruqa ah ku seegaya kulankan halka Adel Taarabt uu shaki ku jiro taam ahaanshihiisa.

Iyadoo taam ahaanshaha Taarabt uu shaki ku jiro ayay khadka dhexe ku midoobi karaan Joao Mario oo booskiisa buuxinaya iyo Julian Weigl.

Dhinaciisa Jurgen Klopp ayaan gabi ahaanba qabin wax wer-wer ah waxaana uu saf buuxa oo dhammaystiran la tagi doonaa Estadio Da Luz.

Naby Keita iyo Curtis Jones oo ahaa laba xiddig oo uu wer-wer ka qabay haddiiba ay diyaar noqon doonaan ayaa kasoo kabtay dhaawacyo fudud oo ay qabeen halka sidoo kale daafaca midig ee Trent Alexander Arnold uu diyaar u yahay inuu kusoo bilawdo kulankan kaddib markii uu keydka soo fadhiistay ciyaartii Watford ee Sabtidii.

Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Benfica (4-4-2): Vlachodimos; Gilberto, Otamendi, Vertonghen, Grimaldo; Silva, Mario, Weigl, Everton; Nunez, Yaremchuk

Liverpool (4-3-3): Alisson; Alexander-Arnold, Matip, van Dijk, Robertson; Henderson, Fabinho, Thiago; Salah, Mane, Jota

Xogta Kulanka

Tartanka: Champions League

Garoonka: Estadio Da Luz

Wakhtiga: 10:00 habeenimo ee geeska Africa

Garsoore: Jesus Gil

 

 

 

 

https://www.premierbank.so/