https://www.premierbank.so/

“Haddii Messi Kusoo Waco Oo Soo Laabasho Dalbado Maxaad Samayn Lahayd?” Madaxweynaha Barcelona Oo Su’aashan Culus Ka Jawaabay

 

Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa markale wax laga weydiiyay suurogalnimada uu kooxda ugu soo laaban karo kabtankeedii hore ee Lionel Messi oo xagaagii 2021 qaab xor ah ugaga biiray Paris Saint-Germain.

Messi ayaa kaddib markii ay Barcelona awoodi wayday dhaqaale ahaan inay wax heshiis ah oo cusub ka saxeexato u wareegay Paris oo uu qandaraas laba sano ah qalinka ugu duugay.

34 sano jirkaas ayaa sidii laga filayay ku noqon waayay horyaalka Ligue 1 isaga oo xalay goolkiisii saddexaad ee xilli ciyaareedka oo dhan kasoo dhaliyay horyaalkaas.

Wakhtiga adag ee uu Messi ku maray garoonka dhexdiisa iyo banaankiisaba mudada uu joogay PSG ayaa dhalisay in dib loola xidhiidhiyo kooxdii uu 20-ka sano soo joogay.

Laporta oo haatan la weydiiyay waxa uu yeeli doono haddii Messi qudhiisu uu codsado inuu kooxda kusoo laabto ayaa sheegay inuu ku farxi doono oo markasta albaabada kooxdu u furan yihiin Messi.

“Saxafi ka socday RTVE ayaa weydiiyay madaxweynaha Blaugrana “Bal sawiro haddii uu maalin Leo Messi kusoo waco oo ku yidhaa ‘Mudane madaxweyne waxaan doonayaa inaan Barcelona kusoo laabto’ maxay noqon lahayd jawaabtaadu?”.

“Waan farxi doonaa haddii ay sidani dhacdo, in farxad ka badan ayaan farxi doonaa, albaabada Barcelona markasta way u furan yihiin Leo”.

 

 

https://www.premierbank.so/