https://www.premierbank.so/

Ciyaarihii Xalay ee Champion-leageu 20/02/2019

Kooxaha Liverpool iyo Bayer
Munikh ayaa foodda isku daray ciyaar qayb ka ahayd wareegga 16 ka ee koobka
Champoion league, Lyon iyo Barcelona ayaa iyaguna dhankooda isku arkay ciyaar
isla wareeggan ka mid ahayd.

Aynu ku horreyno ciyaarta
sida gaarka ah loo xiiseynayey ee Liverpool iyo Bayer Munikh ee.

Waxa uu ahaa kulan
xamaasaddii uu ku bilowday la dhammaaday oo ay labada dhinacba soo bandhigeen
kubbad ay taageerayaashu u riyaaqeen.

Inkasta oo kooxda Liverpool
ee garoonkeeda lagu ciyaarayey ay qaybta koowaad ee ciyaarta dardar la soo
gashay, isku dayo taraabuunku u istaagayna marar badan ku sigeen gool Bayer
Munikh, haddana nasiibku lama uu jirin.

Kooxda Bayer Munikh qudheedu
uma ay yaraysan.

dad badan ayaanay cajabisay
kubadda ay garoonka la yimaaddeen, laakiin taasi ma’ay asturin sida looga gacan
sarreeyo.

Walow cidda u doodaysaa ay sheegi
karto in kooxdu qaybtii koowaad ee ciyaarta, ay hayshada kubadda kaga
wanaagsanayd Bayer Munikh.

Qaybtii koowaad ee ciyaartu
waxa ay ku dhammaatay labada kooxood oo tahli waayey in ay goolal kala
dhaliyaan.

Mar kale ayaa ay qaybtii
dambe ee ciyaarta isugu yimaaddeen iyada oo mid kasta ciyaarteeda laga
dheehanayo dardaarankii macallinkeeda.

Laakiin, isku dayo badan oo
ay sameeyeen uma ay suurtagelin in midkoodna kubadda taabsiiyo shabagga midka
kale.

Ugu dambayntii waxaa lagu
kala hoyday barbar dhac, iyo ballanta ah in lugta labaad la isugu iman doono
garoonka Allianz Arena ee kooxda Bayer Munich.

Dhinaca kale kooxda
Barcelona ayaa dhaafi weyday kooxda Lyon oo samaysay geesinimo ay gool ugu
diidday kooxda Barcelona .

Barca ayaa ku fashilantay in
ay guul ka garaan lugta koowaad ee wareega 16-ka, in kasta oo aanay rajo beelin
maadaama oo lugta labaad garoonkooda lagu ciyaari doono, waxa se run ah in guul
kasta oo ay fishaan ay ku xidhan tahay sida ay uga gudbaan khatarta
ciyaaryahannada reer Camnou, taas oo rejo weyn gelinaysa kooxda Lyon.

https://www.premierbank.so/