https://www.premierbank.so/

Akhriso Rikoodhka Cajiibka Ah Ee Jurgen Klopp Uu Ka Haysto Pep Guardiola Ka Hor Kulankooda Axadda

 

Ciyaar lagu tilmaamay inay go’aaminayso horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan, ayay Manchester City kusoo dhoweyn doontaa Liverpool garoonkeeda Etihad Stadim maalinta Axadda ee berri, waxaanay natiijada kasoo baxda ciyaartaasi noqon doontaa mid saamayn yeelata, iyadoo naadiga guuleysta uu hal tallaabo hore ugu qaadi doono dhinaca hanashada horyaalka.

Pep Guardiola ayay kooxdiisu hal dhibic oo kaliya ka horreysaa Liverpool, waxaase haddii ay ciyaartan badiyaan ay hoggaanka ku qaban doonaan afar dhibcood iyadoo toddoba ciyaaroodna baaqi u ahaanayaan, halka Liverpool oo badisa ay laba dhibcood hoggaanka kula wareegi doonto iyadoo toddoba ciyaarood ka hadhsan yihiin dhamaadka xilli ciyaareedka.

Guardiola iyo Jurgen Klopp waxa muddo ka dhex-taagnayd  cadaawad dhinaca xafiiltanka koobabka iyo horyaallada ah, waxaanu hirdankoodu kasoo bilowday horyaalka waddanka Jarmalka ee Bundesliga oo ay dhawr sannadood kusoo hidameen ka hor intii aanay Premier League iskaga daba imanin.

Ka hor kulankooda Axadda, waxa aanu halkan ku eegaynaa rikoodhak uu tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ka haysto Pep Guardiola iyo sida ay kusoo dhamaadeen ciyaarihii ay iska hor yimaaddeen laga soo bilaabo waqtigoodii horyaalka Bundesliga.

Tababaraha uu Jurgen Klopp kulamadii ugu badnaa ka hor tegay intii uu xirfadda tababarenimada ku jiray, waa Pep Guardiola. 22 jeer ayay iska hor yiamaddeen, waxaana uu Jurgen Klopp guuleystay sagaal ka mid ah kulamadaas, halka afar kalena uu barbarro galay. Sagaalka ciyaarood ee kale ayaa uu Klopp la kulmay guul-darrooyin oo uu Pep Guardiola guuleystay.

Tani waxay ka dhigan tahay, in min sagaal ciyaarood ay kala guuleysteen afarta kalena ay barbarro galeen, waxaana marka si guud loo eego ay noqonayaan barbarro iyo in aanu jirin mid laga gacan-sarreeyo illaa hadda.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Pep Guardiola uu yahay tababaraha guul-darrooyinkii ugu badnaa u xambaariyey Jurgen Klopp abid, sababtoo ah ma jiro tababare kale oo sagaal jeer ka badiyey intii uu shaqada tababarenimada ku jiray.

Dhinaca kale, Pep Guardiola ayaa kaalinta saddexaad kaga jira liiska tababareyaasha uu sida xun u karbaashay Jurgen Klopp, waxaana kaliya kasii daran Thomas Tuchel oo uu 10 jeer ka badiyey iyo Dieter Hecking oo uu 11 ciyaarood ka badiyey.

Siddeed ka mid ah 22ka ciyaarood ee ay ku kulmeen Klopp iyo Guardiola, waxay joogeen kooxaha Borussia Dortmund iyo Bayern Munich, halka 14ka kalena ay kala joogeen Liverpool iyo Manchester City.

 

 

 

https://www.premierbank.so/