https://www.premierbank.so/

Safiirka Shiinaha oo booqday goob caafimaad oo lagu daryeelo Caruurta Soomaaliyeed

Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Qin Jian ayaa booqday xarun caafimaad oo ku taala degmada wadajir ee gobolka Banaadir oo ay maalgalisay dowladda Shiinaha. Xaruntaan waxaa daryeel caafimaad ka hela in  ka badan  15,000 oo carruur Soomaaliyeed ah.

Mashruuca Hooyada iyo Dhalaanka Caruurta ee ay maamusho hay’adda Sanduuqa Carruurta ee QM (UNCIEF) ayaa helay deeq lacageed oo dhan 2 milyan oo doolarka Mareykanka ah oo ka timid dawladda Shiinaha.

Dowladda Shiinaha ayaa bishii May ee la soo dhaafay 1.5 oo dollar ugu deeqday dowladda federaalka Soomaaliya si loogu caawiyo dadkii ay sameysay fatahaadii ku dhufatay qeybo ka mid ah gobollada dalka.

Safiirka Shiinaha  ayaa madaxda UNICEF   ku amaaanay sida ay u guteen howsha loo igmaday.

“Waxaan taageersanahay mashaariicda horumarinta Soomaaliya, gargaarka bini’aadanimo, nabadda, iyo sidoo kale bixinta deeqaha waxbarasho,” ayuu yiri Qin intii lagu jiray booqashada xarunta.

Ku-Xigeenka wakiilka  UNICEF ee Soomaaliya Jesper Moller ayaa uga mahadceliyay dawladda Shiinaha deeqda ku aaddan dhismaha xarunta caafimaadka.

Moller ayaa xusay in mashruucan ay ka faa’iideysatay 1,500 oo carruur ah oo markii hore la il darnaa nafaqo-darro tan iyo markii la aasaasay.

Maxamed Axmed, Isu-duwaha Caafimaadka ee xaruntan ayaa sheegay in 35,356  oo caruur ah ay ku daaweeyeen xaruntan sannadkii hore.

“Waxaan baarnay wadar ahaan 34,784 carruur ah, 1,422 carruur ah ayaa lagu daweeyay nafaqo-xumo ba’an, 74 kalena waa la dhigey sannadkii hore,” ayuu yiri Axmed.

https://www.premierbank.so/