https://www.premierbank.so/

Ma haysano qalabkii lagu baadhayay Cudurka Koroona – Wasiirka Caafimaadka Somaliland

Wasiiirka wasaaradda horumarinat caafimaadka Somaliland mudane Cumar Cabdilaahi Bade ayaa shaaciyey in Somaliland aanay lahayn shaybaadh iyo qalab lagu ogaado hadii la arko xaalad la xidhiidha xanuunka dunida si xawliga ah ugu faafay ee Corono Virus, islamarkaana waxii shaybaadh ah ee xanuunkaasi la xidhiidha ka xukuumad ahaan ay u diri doonaan dalka Koonfur Afrika,arrintaasna ay isla qaateen hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO

Wasiirka wasaaradad caafimaadka Somaliladn oo Sabtida 15 Febarwari hortagay gole waynaha golaha guurtida Somaliland ayaa sidoo kalena sheegay in caqabada ugu wayn ee haysataa ay tahay in aanay haynin qalabkii lagu baadhayay xanuunkan,balse wasaaradda caafimaadka ay joogaan dhakhaatiir badan oo aqoon buuxda u leh xanuunada lamidka ah kan ka dilaacay dalka Shiinaha sid auu hadalka u dhigay.

Wasiir Cumar Bade waxa uu intaasi ku daray in xalka ugu dhaw ee xanuunkan lagaga hortagi karo faafitaankiisu uu yahay in qofkii laga shakiyo shaybaadhkiisa loo diro dalka Koonfur Afrika,sidoo kalena hay’adda caafimaadka Aduunka ee WHO kala hadleen sidii loo heli lahaa qalabkan lagu baadho dadka qaba xanuunkan Corono Virus iyo kuwa lamidka ah labadaba.

Dhinaca kalena wasiirka caafimaadka Somaliland mudane Cumar Cabdilaahi bade waxa uu sheegay in dhamaan dhakhaatiirta iyo hawl-wadeenada wasaaradda ay heegan galiyeen,sidoo kalena la diyaariyey kooxo u carbisan in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa qofka iska shakiya ama laga shakiyo,sidoo kalena bulshada loo sameeyey telefoon ay lasoo xidhiidhi karaan hadii ay arkaan xaalad deg deg ah sida uu hadalka u dhigay.

Halkan ka daawo warkaas

https://www.premierbank.so/