https://www.premierbank.so/

WAR DEG DEG AH:-Dowladda Federalka oo Ciidamo dul dhigay Guriga Taliye Shub.

Sida ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah Soomaaliya ayaa ciidamo la sheegay inay ka tirsanyihiin Booliska Soomaaliya dul dhigtay Guriga Muqdisho uu ka daganyahay Taliyihii maanta xilka laga qaaday ee ciidanka Asluubta General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub).

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale xaqiijineysa in Taliye Shub lagala wareegay ciidankii ilaalada u ahaa ee ka tirsanaa Asluubta Soomaaliya.

Arrintan ayaa u muuqata mid lagu doonayo in lagula socdo ama lagu xakameeyo dhaq-dhaqaaqa Taliye Shub kadib xil ka qaadistiisi maanta.

Dhanka kale Masuuliyiinta la soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa Cadaadis gaar ah la saaray sida kuwa Soomaaliland Xiliyada ay Wax ka soo cusboonaadaan Hargaysa.