https://www.premierbank.so/

Shirka qaran ee dhab-u-heshiisiinta oo maanta ka furmay Muqdisho

MUQDISHO(CBA TV)- Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka furmay shirweynaha qaran ee soo bandhigidda iyo xaqiijinta hanaanka dhab-u-heshiisiinta qaran, kaas oo socon doona muddo Saddex cisho ah.

Shirkan waxaa si rasmi ah u daah furay guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdulaahi, iyadoo ay kasoo qeybgaleen wasiirka Arrimaha Guddaha, Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Ganacsiga, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, wasiirka dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil, wasiiru-dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha, Cabdulaahi Xaamud, xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ka qeyb galayaasha shirka ayaa ka kala socday qeybaha iyo ururrada kala duwan ee bulshada rayidka iyo wakiillo ka socda maamul goboleedyada dalka iyo gobalka Banaadir.

Furitaankii shirkaa waxaa lagu soo bandhigay natiijadii ka soo baxday shirar lagu qabtay magaalooyinka Muqdisho, Garoowe, Kismaayo, Dhuusamareeb, Jowhar iyo Baydhabo, oo ay ka qeybgaleen in ka badan 700 oo qof.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa xubnaha ka qeybgalaya shirka kula dardaarmay inay shirka kasoo saaraan go’aanno faa’iido u ah dhab-u-hesheesiinta Umadda.

“Waxaan ku ammaanayaa wasiirka arrimaha gudaha, Cabdi Maxamed Sabriye waqtiga uu galiyay howlaha dib-u-heshisiinta muddadii uu xilka hayay”.

https://www.premierbank.so/