https://www.premierbank.so/

AMISOM banneyneysa Kulliyadda Jaalle Siyaad oo dacyactiran

MUQDISHO(CBA TV)-War qoraal ah oo maanta kasoo baxay hoggaanka howlgalka Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu ay ka guuri doonaan saldhigga ay ku leeyihiin kulliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho dabayaaqada bisha Feberaayo.

AMISOM waxay sheegtay in bishii Sebteembar ee sanadkii hore ay dib u dayac tir ay ku samaysay dhismaha kulliyadda si ay u wareejiyaan dhismaha oo quruxsan.
Madaxa howgallada Midowga Afrika ee Soomaaliya, danjire Francisco Madeira oo todobaadkan booqasho ku tagay xarunta ayaa sheegay in kulliyaddu ay qeyb libaax ka qaadan doonto dib u dhiska ciidamada xoogga Soomaaliya.

Madeira oo ay la socdeen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa yiri “ Aad baan maqsuud uga nahay in xarunta lagu sameeyay dib u dayactir dabayaaqada bishan ayaana rajaynayaa in ay dhacdo munaasabadda lagu wareejinayo”.

Danjire Madeira ayaa intaa sii raaciyay in Midowga Afrika uu xukuumadda Soomaaliya ugu deeqayo agabkii ay halkaaso ku adeegsan jireen ciidamada Burundi.

“Dhismayaasha diyaarsan, dab dhaliyayaasha, iyo goobaha biyaha laga cabo dhammaantood waxaan ku wareejinaynaa xukuumadda federaalka si ay halkaas uga sii socdaan howlihii xarunta” ayuu yiri Madeira.
Wasiiru dowlaha gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa oo isna ka hadlay arrinkan ayaa sheegay in AMISOM ay kaalin weyn ka qaadatay xasilinta Soomaaliya
“Waxaan si gaar ah ugu mahad celinayaa ciidamada Burundi oo suura galiyay soo wareejinta xaruntan horayna naftooda ugu huray nabad kusoo dabbaalidda Soomaaliya” ayuu yiri Xagaa oo intaa sii raaciyay in kulliyadda Jaale Siyaad ay meel weyn ka gashay taariikhda gaar ahaan markii dalka laga xoreynayay al-Shabaab sanadkii 2011-kii.

Akadeemiyada Jaalle Siyaad ayaa noqonaya saldhiggii sadexaad ee ay ciidamada AMISOM ku wareejiyaan dowladda Soomaaliya iyada oo horay ay u wareejiyeen Jaamacadda Umadda iyo garoonka cayaaraha ee Istaadiyoo Muqdisho.

AMISOM ayaa si tartiib tartiib ah u billowday qorshe ay ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ay uga saareyso dalka waxaana dabayaaqada bishan dalka ka baxaya 1000-kii askari ee ugu horreeyay kuwaasoo kasoo jeeda dalka Burundi

https://www.premierbank.so/