https://www.premierbank.so/

Xanuunka KUDUUDIYE ayaa ka dilaacay Burco

Wararka telefeeshinka Codka Bariga
Afrika ka helayo magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa sheegaya in
uu magaalada Burco muddo badan kadib uu dib markale uga dilaacay xanuunka
Kaduudiyaha oo ku cusub bulshada Somaalida.

Ila Wareedyo kala duwan oo ku
sugan magaalada Burco oo marar kaladuwan uu la xidhiidhay Codka bariga Afrika ayaa u xaqiijiyey in cudurkan uu soo ritey dad
aad u tiro badan oo u badan waayeel iyo caruur,islamarkaana wakhti xaadirkan
xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo cusbitaalka dawladda ee magaalada Burco.

Dadkan cusbitaalka Burco
loodhigay xaaladooda caafimaad ee la xidhiidha xanuunkan ayaa la sheegaya in
qaarkood laga keenay deegaanada ku dhawdhaw magaalada.

Xanuunkan oo ku cusub Bulshada
Soomaalida ayaa ku dhaca jilbaha iyo gacmaha kaas oo qofka u diida in uu kaco
islamarkaana isku soo dhaweeya lugaha iyo gacmaha tusaale ahaan sidii qof
kadalooba oo kale.

Masuuliyiinta wasaaradda
caafimaadka gaar ahaana Isuduwaha wasaaradda Caafimaadka Gobolka Togdheer
mudane Aadan Malaay oo Codka Bariga
Afrika
khadka telefoonka kula xidhiidhay si uu arrintan wax uga waydiiyo
ayaa gabi ahaanba ka gaabsaday inuu wax faahfaahina ka bixiyo kadib markii uu
ka jawaabi waayay telefoonkisa gacanta.

Cabsi badan oo la xidhidha
xanuunkan ayaa soo food saartay bulshada gobolka Togdheer,ilaa haddana wax wara
kamay soo saarin wasaaradda caafimaadka ee heer qaran iyo heer gobol midkoodna.

https://www.premierbank.so/