https://www.premierbank.so/

Wasaaradda Caafimaadka JSL ayaa baadhaysa Xanuunka KUDUUDIYE ee Burco haleelay

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa sheegay in wasaarada ay soo gaadheen kiisas la xidhiidha xanuunka ‘Kuduudiye’ oo soo ritey dad kala duwan. Balse waxa uu sheegay in xanuunkani aanu ahayn cudur loo dhinto, sida uu hadalka u dhigay Agaasimuhu.

Agaasimaha oo Sabtida 28
September la hadlay CODKA BARIGA AFRIKA
ayaa sidoo kale tilmaamay in ay jiraan xanuuno kale oo la astaamo ah xanuunkan
Kuduudiyaha, wasaaradduna ay hadda ku hawlan tahay baadhitaano la xidhiidha
xaqiijinta in xanuunka ka dilaacay Burco iyo duleedkeedu uu yahay Kaduudiye iyo
in kale.

Dr Xargeeye waxa u intaasi
ku daray in xanuunkan Kaduudiyaha loo yaqaano oo ku cusub Somaliland, meelaha
laga soo sheegayaa ay u badan yihiin deegaanada dawlad goboleedka Puntland,
waxa aanu ballanqaaday in marka ay baadhitaannadu u soo dhammaadaan ay
wasaaraddu si rasmi ah uga hadli doonto natiijada u soo baxda.

Telefeeshinka Codka Bariga Afrika ayaa habeennimadii
Jimcaha baahiyey warbixin ka warramaysa xogo uu ka helay gobalka Togdheer oo
xaqiijinaya in dad waayeel iyo carruur u badani ay xarumaha caafimaadka iyo
cisbitaalka guud u jiifaan xanuun lagu sheegay in uu ‘Kuduudiye’ yahay.

Dhinaca kalena agaasimaha wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Xergeeye waxa uu Sheegay In ol’olaha Talaalka lagula dagaalamayo Cudurka dabayshu uu sidii wasaaraddu u qorshaysay u socdo. Taas oo Sababtay in aan deegaanada Somaliland wakhti dheer lagu arag xanuunkan Dabaysha, Somaliland-na ay marayso marxaladdii dabargoynta xanuunkaas. Sida uu hadalka u dhigay. Isaga oo waalidiinta iyo guud ahaan bulshadana ugu baaqay in ay talaalan ubadkoodka. Sidoo kalena macalimiinta dugsiyada kula dardaarmay in ay ardayda siiyaan wacyigalin ku saabsan xanuubnkan.

https://www.premierbank.so/