https://www.premierbank.so/

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Ka Qayb-galay Xafladda Furitaanka Bangiga WADAAG

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta ka qayb-galay xafladda furitaanka rasmiga ah ee Bangiga WADAAG, oo si rasmi ah looga daahfuray magaalada Hargeysa.

Munaasibadda furitaanka oo si heer sare ah loo soo agaasimay, waxa ka qayb-galay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, hoggaamiyeyaasha xisbiyada qaranka, ganacsato waaweyn, madaxda bangiyada dalka ka hawlgala, aqoonyahan, qurbe-joog, bulshada rayidka ah, iyo marti-sharaf kale.

Bangiga WADAAG waxa uu noqonayaa hayโ€™ad maaliyadeed oo casri ah, kanaalin doonta kobcinta dhaqaalaha dalka, fududeynta adeegyada bangiyada, iyo dhiirrigelinta maalgelinta gudaha.

Mabaadiโ€™da iyo yoolalka aasaasiga ah ee Bangiga WADAAG waxa lagu soo koobi karaa saddex qodob:

  1. Midaynta awoodaha dhaqaale ee bulshada Somaliland,
  2. Xoojinta wax-soo-saarka gudaha dalka,
  3. Yaraynta saboolnimada bulshada.
    Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa maamulka iyo mulkiilayaasha Bangiga WADAAG ku bogaadiyey dadaalka iyo maalgashiga ay dalka ku soo kordhiyeen, isagoo xusay in hayโ€™adaha maaliyadeed ee casriga ahi ay laf-dhabar u yihiin horumarka dhaqaalaha, shaqo abuurka muwaadiniinta, iyo xoojinta maalgashiga gudaha iyo dibedda.

Sidoo kale, munaasibadda waxa hadallo qiimo leh ka jeediyey:

  • Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee Bangiga WADAAG,
  • Guddoomiyaha Bangiyada Gaarka loo leeyahay,
  • Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga JSL,
  • Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Somaliland,
  • Guddoomiyeyaasha Xisbiyada WADDANI iyo KAAH,
  • Wasiirrada Ganacsiga & Dalxiiska iyo Horumarinta Maalgashiga & Warshadaha.

Madaxweynuhu waxa uu carabka ku adkeeyey in bangiyadu yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha qaranka, iyagoo door muhiim ah ka qaata:

  1. Kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta suuqyada maaliyadeed,
  2. Dhiirrigelinta maalgashiga gudaha iyo dibadda,
  3. Abuurista fursado shaqo oo muhiim u ah dhalinyarada,
  4. Hagaajinta adeegyada maaliyadeed ee casriga ah.
    Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu sheegay in horumarka hayโ€™adaha maaliyadeed ee dalka ay muujinayaan kalsoonida iyo isbeddelka dhaqaale ee Somaliland. Waxa uu bulshada iyo ganacsatada ku dhiirrigeliyey in ay ka faaโ€™iidaystaan adeegyada uu bixiyo Bangiga WADAAG iyo hayโ€™adaha kale ee maaliyadeed ee dalka ka hawlgala.

ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland