Golaha Shacabka oo Horyaalla Hindise Sharciyeedka Difaaca Qaranka
0 Comments
Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga XFS, Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta Golaha Shacabka ee BFS hor keenay Hindise Sharciyeedka Difaaca Qaranka, kaas oo lagu hagi doono guud ahaan ciidamada qalabka sida ee dalka wixii haatan ka dambeeya.
Wasiirka ayaa xildhibaanada u sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay ilaa iyo hadda ku shaqaynayeen xeerarkii iyo shuruucdii hore ee dowladdii kacaanka, isla markaana ay jirto baahi degdeg ah oo loo qabo sharci cusub oo casri ah oo nidaamiya maamulka iyo hawlaha ciidamada.
Hindise sharciyeedkan ayaa haatan horyaalla Golaha Shacabka, iyadoo laga sugayo in xildhibaanadu ka doodaan, si loo meel mariyo xeer dhammaystiran oo hagaya arrimaha difaaca qaranka.





