https://www.premierbank.so/

Xasan Sheekh oo aqbalay in Soomaaliya doorashooyin lagu qabto muddo toddoba bilood gudahood ah

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa aqbalay in dalka lagu qabto doorashooyin muddo toddoba bilood gudahood ah, isagoo sidoo kale qayb ka mid ah dalabaadka mucaaradka ka qaatay wada-hadallada lagu xallinayo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan hannaanka doorashada.

Go’aankan ayaa yimid kaddib dadaallo ay wadeen saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya, kuwaas oo ku hawlanaa fududaynta wada-hadallada u dhexeeya dowladda iyo dhinacyada mucaaradka.

Warbixintu waxay sheegaysaa in wada-xaajoodyadu inta badan si dadban u socdeen toddobaadyadii la soo dhaafay. Madaxweynaha ayaa wax ka beddelay ereyo muhiim ah oo ku jiray jawaabtiisii ugu dambaysay ee dalabaadka mucaaradka.

Xasan Sheekh wuxuu ku adkaystay in la adeegsado qeexidda ah “doorashada dowladda federaalka”, halka uusan si cad u cayimin waqtiga la qabanayo doorashada madaxweynaha. Waxa uu meesha ka saaray ballanqaadkii si gaar ah u sheegayay in doorashada madaxweynuhu dhacdo toddoba bilood gudahood, inkastoo uu guud ahaan aqbalay in doorashooyinka lagu qabto muddadaas.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu diiday dalab mucaaradku ku doonayay in beesha caalamka ay noqoto dammaanad-qaadayaasha heshiiska, isagoo beddelay doorkooda oo lagu tilmaamay “kormeerayaal”. Doorkaas ayaa ku koobnaanaya la socodka in doorashooyinka soo socda loo maro habraacyada sharciga ah.

Ilaa hadda, dhinacyadu ma aysan isku raacin faahfaahinta farsamo ee doorashada. Waxaa sidoo kale weli taagan khilaaf ku saabsan tirada xubnaha guddi ama koox shaqo oo loo qorsheeyay inay maamusho doorashada iyo jadwalka rasmiga ah ee hawshaas.

Madaxweynaha ayaa farriintiisa ku sheegay inuu diyaar u yahay in doorasho la qabto, wuxuuna saaxiibbada caalamiga ah ee fududaynaya wada-hadallada ka codsaday inay arrintaas gaarsiiyaan mucaaradka.