https://www.premierbank.so/

Ciidanka Xoogga Dalka oo Bilaabay Baaritaan ku Saabsan Muuqaal Muujinaya Tacaddi loo Geystay Muwaadin

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in ay maanta billaabeen baaritaan horudhac oo lagu sameyn doono muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada oo tilmaamaya muwadin lagu sameeyay tacadi.

Muuqaalkan oo ay duubeen xubno ka tirsan Ciidanka XDS ayaa la sheegay inuu soo baxay xilli ay ciidamadu ku jireen howlgal ka dhan ah AS.

Taliska ayaa caddeeyay in falkaas iyo fal kasta oo la mid ah uu si cad uga hor imaanayo xeerarka anshaxa, nidaamka ciidanka iyo shuruucda caalamiga ah ee dagaalka u degsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Bayaan ka soo baxay Taliska ayaa looga digay dhammaan xubnaha ciidanka inay ku kacaan falal noocan oo kale ah, iyadoo lagu nuux-nuuxsaday inaan loo dulqaadan doonin ku xadgudubka xuquuqda aadanaha iyo tan maxaabiista.