Magaalada Xumus oo Wajahday Duufaan Boodh ah oo Cirka u Beddeshay Oranji iyo Casaan
0 Comments
Duufaan xooggan oo boodh wadata ayaa ku dhufatay magaalada Xumus ee bartamaha Suuriya, iyadoo cirka u beddeshay casaan iyo oranji, aragtidana si weyn u yaraysay.
Inkasta oo duufaannada noocan ahi aanay ku cusbayn Suuriya gaar ahaan deegaannada saxaraha ku dhow haddana cufnaanta boodhka iyo muuqaalka aan caadiga ahayn ee cirka ayaa indhaha caalamka soo jiitay.
Duufaantu waxay magaalada gelisay jawi mugdi ah oo u ekaa muuqaal laga soo qaaday filim musiibo.

