Taliyaha Uganda oo Shaaciyay Laba Shuruud oo Maraykanka looga Baahan Yahay Kahor inta Ciidamadooda Gaza Loo Dirin
Taliyaha Ciidanka Difaaca Uganda, Janaraal Muhoozi Kainerugaba ayaa soo bandhigay labo shuruud oo haddii Maraykanka uu kasoo baxo ay ciidamadeeda u diri karaan Magaalada Gaza si ay qayb uga noqdaan howlgalka Madaxweyne Trump uu gedaal ka riixayo.
Janaraal Muhoozi ayaa xusay in shuruudda koowaad ay tahay in shahaado sharaf ay siiso kulliyaddii ciidanka ee Maraykanka uu kusoo tababartay, halka tan labaad ay noqonayso in Washington ay raalli gelin ka siiyo hadal horay uga yimid Senator James Risch.
Ninka uu raalligelinta uu ka dalbanayo Taliyaha Ciidanka Uganda waa James Risch ayaa ah xubin katirsan Xisbiga Jamhuuriga ee talada Maraykanka haya ahna Guddoomiyaha Guddiga xiriirka Dibadda Senate-ka Maraykanka.
“Askari katirsan Ciidankeenna ma u diri doonno Gaza ilaa la iga siiyo billadda kulliyaddii aan ka qallin jebiyay ee Fort Leavenworth ee Mareykanka” Sidaasi waxaa yiri Taliyaha Ciidanka Difaaca Uganda, Janaraal Muhoozi Kainerugaba
Waxa uu dhinaca kale isu muujiyay in Dadkiisa iyo Dowladiisaba ay aqbashay dalabka ku saabsan in la helo ciidamada loogu magac daray Xasilinta Magaalada Gaza isaga oo isku sifeeyay in ay xitaa ka carareen howlgalkaas dalal kale balse uusan si toos ah u sheegin magacyadooda.
“Shacab iyo Dowlad reer Uganda waa ay aqbaleen ka qaybgalka howlgalka Gaza sababtoo ah qof kasta dhabarka ayuu jeediyay wuu ka cararay, hal askari oo ugandees ah uma dhiman doonno Mr Risch dartiis” ayuu yiri taliyaha ciidanka Uganda, Janaraal Muhoozi.
Maalmaha sabtida iyo Axadda inta badan waxa uu hadallo ay dib raalligelin ka bixiso Dowladda Uganda kasoo yeera Taliyaha Ciidamada Dalkaas, Janaraal Muhoozi Kainerugaba, hadalladiisa waxa ay gaareen heer Dowladdu ay sheegtay in ay qaarkood yihiin fikrado isaga u gaar ah.






