https://www.premierbank.so/

Maxkamad Mareykan ah oo u furtay waddo joojinta TPS-ka kumannaan Soomaali ah

Washington, D.C. โ€” Garsoore federaal ah oo ka tirsan maxkamadda Boston ayaa Jimcihii qaaday xannibaad sharci oo horay u hakisay qorshaha maamulka Madaxweyne Donald Trump ee lagu soo afjarayo Temporary Protected Status (TPS) ee muwaadiniinta Soomaaliya ku nool Maraykanka.

Garsoore Allison Burroughs, oo uu magacaabay madaxweynihii hore Barack Obama, ayaa goโ€™aankeeda ku saleeyay xukun ay Maxkamadda Sare ee Maraykanku bishii Juun ka gaadhay awoodda maxkamadaha hoose ee dib-u-eegista goโ€™aannada maamulka ee la xidhiidha TPS.

Goโ€™aanka ayaa u oggolaanaya Waaxda Amniga Gudaha ee Maraykanka (DHS) inay sii waddo qorshaha lagu joojinayo TPS-ka Soomaaliya. Tallaabadan waxay saameyn kartaa Soomaali badan oo ku nool Maraykanka kuwaas oo aan haysan waddo kale oo sharci ah oo ay dalka ku sii joogaan, waxaana suuragal noqon karta in qaarkood ay wajahaan masaafurin.

Maamulka Trump ayaa qorshaha lagu soo afjarayo TPS-ka Soomaaliya ku dhawaaqay bishii January Xoghayihii Amniga Gudaha ee xilligaas, Kristi Noem, ayaa ku dooday in xaaladaha Soomaaliya ay horumar ku filan sameeyeen si loo soo afjaro ilaalinta baniโ€™aadantinimo ee TPS.

Dacwad ay gudbiyeen afar muwaadin Soomaali ah iyo laba urur oo u dooda xuquuqda muhaajiriinta, oo ay ku jirto African Communities Together, ayaa isku dayday inay ka hortagto goโ€™aanka maamulka Trump. Dacwad-oogayaashu waxay ku doodeen in goโ€™aanka uu ku salaysan yahay takoor la xidhiidha midabka iyo asal-wadaneedka.

Garsoore Burroughs waxay sheegtay in dacwad-oogayaashu soo bandhigeen dood xooggan, isla markaana ay jirto khatar waxyeello aan si fudud loo sixi karin haddii ilaalinta TPS la joojiyo. Hase yeeshee, waxay sheegtay in xukunka Maxkamadda Sare uu xaddiday awooddeeda ay ku sii wadi karto hakinta goโ€™aanka maamulka.

Maxkamadda Sare ayaa bishii Juun, kiiskii Mullin v. Doe, goโ€™aamisay in sharciga TPS uu xaddidayo awoodda maxkamadaha inay dib-u-eegaan qaar ka mid ah goโ€™aamada maamulka ee lagu joojinayo TPS, gaar ahaan dacwadaha aan ku salaysnayn arrimo dastuuriga ah.

Sida xog ay hore Fox News uga heshay Waaxda Adeegyada Muwaadinimada iyo Socdaalka Maraykanka (USCIS), 2,471 Soomaali ah ayaa xilligan haysta TPS, halka 1,383 kale ay haystaan codsiyo TPS oo weli la sugayo.

Goโ€™aankan ayaa arrinta TPS-ka Soomaaliya gelinaya marxalad cusub oo sharci iyo siyaasadeed, iyadoo saameyntiisa ugu weyn ay ku wajahan tahay Soomaalida ku nool Maraykanka iyo xidhiidhka ka dhexeeya siyaasadda socdaalka Washington iyo xaaladda Soomaaliya.