https://www.premierbank.so/

Madaxweyne Cirro oo Hudson Institute ka Jeediyey Khudbad Ku Saabsan Doorka Istiraatiijiyadeed ee Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, H.E. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey Machadka Caalamiga ah ee Hudson Institute ee Washington D.C.

Machadkan oo ah xarun caalami ah oo cilmi-baadhiseed, siyaasadeed iyo istiraatiijiyadeed, muddo dheerna saamayn weyn ku lahaa doodaha la xidhiidha amniga Maraykanka, difaaca, siyaasadda arrimaha dibadda iyo nidaamka caalamiga ah, ayaa hore khudbado uga jeediyeen hoggaamiyeyaal iyo shakhsiyaad dunida caan ka ah, sida Madaxweynihii hore ee Maraykanka Ronald Reagan, Madaxweyne-ku-xigeennadii hore Mike Pence iyo Dick Cheney, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Japan Shinzo Abe iyo Xoghayayaashii hore ee Arrimaha Dibadda Maraykanka Henry Kissinger, George Schultz iyo Mike Pompeo.

Khudbadda Madaxweynaha oo cinwaankeedu ahaa “Somaliland as a Strategic Partner in the Horn of Africa”, waxa uu diiradda ku saaray aragtida Somaliland ee amniga Geeska Afrika, xasilloonida Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iskaashiga istiraatiijiga ah, ganacsiga iyo maalgashiga, iyo kaalinta Somaliland ka qaadan karto danaha wadajirka ah ee Maraykanka iyo xulafadiisa.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in muddo ka badan 30 sano Somaliland ay dhisatay dawlad shaqaynaysa, hay’ado qaran oo awood leh, dhaqaale kobcaya iyo suuq xor ah. Waxa kale oo uu xusay in Somaliland ay qabatay doorashooyin badan oo kala duwan oo xor iyo xalaal ah, isla markaana xukunka dalka si nabad ah loogu kala wareegay.

Madaxweynuhu waxa uu si cad u iftiimiyey amniga Somaliland, isaga oo sheegay in muddo ka badan labaatan sano aanu gudaha Somaliland ka dhicin weerarro argagixiso, isla markaana Somaliland ku guulaysatay inay dalkeeda iyo xeebihiisa ka ilaaliso xag-jirnimada iyo budhcad-badeedda. Waxa uu carrabka ku adkeeyey in guulahaas la gaadhay iyadoo Somaliland aanay haysan aqoonsi caalami ah.

Isaga oo ka hadlayey xaqa sharci iyo taariikheed ee jiritaanka Qarannimada Somaliland, Madaxweyne Cirro waxa uu yidhi:

“Somaliland ma doonayso in ay dib u beddesho xuduudihii uu ka tagay Gumaysigu; waxay doonaysaa in ay dib ula soo noqoto xuduudihii ay hore u lahayd.”

Waxa uu intaa ku daray:

“Dooddayadu ma aha mid ku saabsan gooni-goosi, balse waxay ku salaysan tahay burburkii midowgii lagu hongoobay iyo dib-u-soo-celinta dowladnimadayadii, iyadoo lagu salaynayo xuduudihii gumaysiga ee caalamku aqoonsanaa, kuwaas oo jiray ka hor midowgii 1960.”

Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay in tan iyo markii Somaliland ay dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda, isbeddellada juqraafi-siyaasadeed ee ka dhacay dunida iyo Geeska Afrika ay sii xoojiyeen is-waafajinta danaha wadaagga ah ee Somaliland iyo Maraykanka.

Mar uu ka hadlayey arrimaha Soomaaliya, Madaxweyne Cirro waxa uu yidhi:

“Dawladda Soomaaliya waxay ka madhan tahay Sharcinimada iyo Awoodda ay ku maamusho meel ka baxsan Muqdisho, waxayna noqotay xuddunta xasillooni-darrada ee Gobolka Geeska Afrika. Soomaaliya ma aha oo keliya inay ku fashilantay maamulidda dadkeeda iyo dalkeeda; balse madax-bannaanannida ay haysato waxa ay u adeegsatay hub siyaasadeed oo ay ku curyaamiso Somaliland.”

Madaxweynaha Somaliland waxa uu sidoo kale si cad u bayaamiyey amniga iyo xasilloonida ka jirta Somaliland iyo sida ay Dawladda Maraykanku ugu hallayn karto Somaliland, isaga oo yidhi:

“Muddo 35 sano ah, Somaliland kama dhicin waxyeello iyo weerar loo geystay askari Maraykan ah; dhulkayaga iyo biyahayagana loogama hanjabin Markab ama Diyaarad Maraykan leeyahey. Somaliland marna may noqon hoy ay gabbad ka dhigtaan kooxo ka soo horjeeda Maraykanka.”

Madaxweynaha Somaliland waxa uu khudbaddiisa ku dul istaagay goobta muhiimka ah ee ay ku taallo Somaliland, oo ah marin-biyoodyada iyo xillinnada tamarta ugu istiraatiijisan dunida. Waxa uu sheegay in taasi Maraykanka u suurto-gelinayso inuu mandaqaddan ku yeesho saaxiib lagu kalsoonaan karo, isla markaana uu ku ilaashan karo danihiisa buqcaddan muhiimka ah isaga oo aan ku tiirsanaan hal dhinac oo keliya.

Waxa uu hoosta ka xarriiqay in Somaliland ay Maraykanka u soo bandhigayso ikhtiyaar iyo saaxiib la isku hallayn karo oo uu haatan ku yar yahay xeebtan istiraatiijiga ah.

Dhinaca kale, Madaxweyne Cirro waxa uu si gaar ah u xusay aqoonsiga Israa’iil, isaga oo sheegay inuu ka tarjumayo isbeddel cusub oo ku wajahan Geeska Afrika, iyadoo dawladuhu ay haatan ka gudbayaan hab-dhaqankii diblomaasiyadeed ee duugoobay, isla markaana qiimayntooda ku salaynayaan danaha amni ee la wadaago.

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in Somaliland iyo Israa’iil ay yihiin laba dal oo dimuqraaddi ah oo ku kala yaalla labada daraf ee Badda Cas, kana wada shaqaynaya xasilloonida, barwaaqada iyo amniga Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe.

Khudbadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee Machadka Hudson Institute waxa ay xoojinaysaa dedaallada diblomaasiyadeed ee Somaliland iyo himiladeeda ku aaddan in bulshada caalamku si dhab ah u fahanto sooyaalkiisa taariikheed, rabitaanka shacabkeeda, nidaamkeeda dimuqraadiga ah iyo muhiimadda juqraafiyeed iyo istiraatiijiyadeed ee ay Somaliland u leedahay caalamka.

Khudbadda Madaxweyne Cirro waxa ay ahayd farriin cad oo ku socota Washington iyo saaxiibbada Somaliland, taas oo ah in Somaliland diyaar u tahay iskaashi istiraatiiji ah oo ku dhisan dano wadaag, is-ixtiraam, nabad, amni iyo horumar waara.

Alla Mahad Leh
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland