https://www.premierbank.so/

Britain oo Soomaaliya ugu deeqday 5 milyan oo Pound

Dowladda Britain ayaa Soomaaliya ugu deeqday 5 milyan oo Pound, si loogu taageero diyaar-garowga fatahaadaha laga cabsi qabo xilliga roobabka Deyr ee sanadkan.

Dowladda Britain ayaa sheegtay in lacagta lagu xoojin doono nidaamyada digniinta hore, laguna caawin doono qoysaska ku nool goobaha fatahaaduhu khatarta ku yihiin inay u guuraan meelaha ammaan ah.

Sidoo kale, waxaa lagu sii wadi doonaa adeegyada caafimaadka, nafaqada, biyaha iyo fayadhowrka ee meelaha ay fatahaaduhu saameyn karaan.

Ilaa 600 kun oo qof ayaa la filayaa inay ka faa’iidaystaan gargaarkan, oo ay ku jiraan dadka ku nool ku dhowaad 100 xero oo barakacayaal ah.

Hay’adda FAO ayaa ka digtay in xaaladda El Niño ay kordhin karto khatarta fatahaadaha, gaar ahaan deegaannada ku teedsan webiyada Jubba iyo Shabeelle.

Dhanka kale, qiimeyn ay sameeyeen dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 5.4 milyan oo qof ay wajihi karaan heerar gaajo oo dhibaato ah ama ka daran inta u dhexaysa Oktoobar iyo Diseembar.