https://www.premierbank.so/

Madaxweyne Cirro iyo Danjiraha Israa’iil ee QM oo New York ku kulmay, xoojinayana xidhiidhka labada dhinac

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa magaalada New York kulan muhiim ah kula yeeshay Danjiraha Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay, Ambassador Danny Danon, xilli Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo ay halkaas u joogaan kulammo iyo hawlo diblomaasiyadeed oo la xidhiidha Kalfadhiga 81aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka istiraatijiga ah ee Somaliland iyo Israa’iil, iyo horumarinta iskaashiga labada dhinac ee dhinacyada danaha guud.

Madaxweyne Cirro ayaa Dawladda iyo shacabka Israa’iil uga mahadnaqay tallaabada ay Somaliland ku sheegtay inay tahay aqoonsi rasmi ah oo loo sameeyay Jamhuuriyadda Somaliland 26-kii Diseembar 2025. Waxa uu sheegay in xidhiidhka cusub ee labada dhinac uu Somaliland u furay bog cusub oo dhinaca diblomaasiyadda ah.

Dhankiisa, Danjiraha Israa’iil ee Qaramada Midoobay, Danny Danon, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay kulanka uu la yeeshay Madaxweynaha Somaliland, isaga oo tilmaamay in Israa’iil ay qiimaynayso xidhiidhka sii kobcaya ee labada dhinac.

Danon waxa uu sidoo kale sheegay in Israa’iil ay doonayso in la sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan amniga iyo xasilloonida gobolka, xorriyadda maraakiibta iyo ganacsiga badda, dhaqaalaha, tiknoolajiyadda, biyaha, beeraha iyo maalgashiga.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland ay New York ka waddo dadaallo diblomaasiyadeed oo la xidhiidha ka qaybgalka Kalfadhiga 81aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.