Maraykanka iyo Iiraan oo New York kaga wada hadlay soo afjaridda dagaalka iyo furitaanka Marin-biyoodka Hormuz
Maraykanka iyo Iiraan ayaa magaalada New York ku yeeshay wada-hadallo dadban oo lagu dhex-dhexaadinayo, kuwaas oo diiradda lagu saaray sidii loo soo afjari lahaa dagaalka u dhexeeya labada dhinac iyo sidii dib loogu furi lahaa Marin-biyoodka Hormuz. Wadahadalladu waxay ka dhaceen dhinacyada shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka, Steve Witkoff, ayaa sheegay in wada-hadalladu ay ahaayeen kuwo muddo socday, iyadoo dhexdhexaadiyayaashu ay fariimaha u kala gudbinayeen wafdiyada Maraykanka iyo Iiraan. Waxa uu sheegay in wareegga wada-hadallada la soo gabagabeeyay, isagoo rajaynaya in uu noqdo mid “wax-ku-ool ah oo rajo leh.”
Madaxweyne Donald Trump ayaa isaguna sheegay in Steve Witkoff iyo Jared Kushner ay muddo saddex saacadood ah la kulmeen wakiillo Iiraani ah, isagoo kulanka ku tilmaamay “mid aad u wanaagsan”. Si kastaba, wararka dambe waxay tilmaamayaan in aan weli la gaarin heshiis kama dambays ah, isla markaana la filayo wada-hadallo kale.
Iiraan ayaa wada-hadallada la xiriirisay shuruudo ay ka mid yihiin in la soo afjaro dagaalka, in la qaado xannibaadda maraakiibta iyo in la sii daayo hantida Iiraan ee la xanibay. Tehran waxay sidoo kale sheegtay in ay diyaar u tahay in ay dib u furto Marin-biyoodka Hormuz haddii Maraykanku yareeyo cadaadiska militari oo uu qaado xannibaadda dekedaha Iiraan.
Marin-biyoodka Hormuz ayaa ah marin muhiim u ah ganacsiga tamarta ee caalamka, waxaana xaaladdiisu saameyn ku yeelan kartaa maraakiibta ganacsiga, qiimaha shidaalka iyo silsiladaha sahayda ee caalamka.
Dhanka kale, Midowga Yurub ayaa sidoo kale ku baaqay in la xaqiijiyo isu-socodka maraakiibta ee Hormuz iyo Bab al-Mandab. Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Kaja Kallas, ayaa sheegtay in maraakiibtu ay tahay inay si xor ah oo aan caqabad lahayn uga gudbaan labada marin-biyood.
Xaaladda Hormuz iyo Bab al-Mandab waxay si gaar ah muhiim ugu tahay Geeska Afrika, maadaama ay yihiin marinno isku xira ganacsiga Aasiya, Bariga Dhexe, Afrika iyo Yurub. Xasilloonida labada marin-biyood waxay sidoo kale muhiim u tahay amniga iyo dhaqaalaha dalalka ku yaalla Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, oo Somaliland ay qayb ka tahay juqraafi ahaan.
Wadahadallada New York ayaa sidaas darteed kusoo beegmaya xilli beesha caalamku ay raadineyso waddo diblomaasiyadeed oo lagu yareeyo xiisadaha Bariga Dhexe, iyadoo amniga marin-biyoodka iyo joogteynta isu-socodka ganacsiga caalamiga ah ay yihiin arrimo si dhow ula xidhiidha xasilloonida gobolka.






