https://www.premierbank.so/

Diyaarad tababar oo RAF ah oo ku burburtay Wales, laba duuliye oo dhaawacmay

Diyaarad nooca Hawk T2 ah oo ay leedahay Ciidamada Cirka Boqortooyada Ingiriiska (RAF) ayaa ku burburtay gobolka Wales, kaddib markii ay ka duushay saldhigga RAF Valley.

Labadii duuliye ee diyaaradda saarnaa ayaa ka booday diyaaradda wax yar ka hor inta aysan dhulka ku dhicin, waxaana soo gaaray dhaawacyo fudud. Booliska Waqooyiga Wales ayaa sheegay in aanay jirin dad kale oo waxyeello ka soo gaadhay shilka.

RAF ayaa si ku-meel-gaar ah u hakisay duulimaadyadii tababarka ee diyaaradaha Hawk T2, iyadoo baaritaan lagu ogaanayo sababta keentay shilka uu socdo.

Sidoo kale, duulimaadyada bandhigga ee kooxda Red Arrows ayaa la hakiyay inta lagu guda jiro baaritaanka. RAF Valley waa xarun muhiim u ah tababarka duuliyeyaasha diyaaradaha dagaalka ee Britain, waxaana halkaas lagu tababaraa duuliyeyaasha diyaaradaha dagaalka ee mustaqbalka.