https://www.premierbank.so/

Itoobiya iyo Jabuuti oo $660 Milyan ku Maalgashanaya Dhuumo Shidaal oo Isku Xira Labada Dal

Dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya, oo kaashanaya Shirkadda Shidaalka ee Dangote oo uu leeyahay ganacsade u dhashay Nigeria, ayaa iska kaashanaya dhismaha dhuumo shidaal oo isku xiri doona Jabuuti iyo Itoobiya.

Qadarka lacageed ee mashruucan ku baxaya ayaa lagu qiyaasay $660 milyan oo doollar, waxaana dhuumaha lagu dhisayaa masaafo dhan 120 kiiloomitir, iyadoo ay isku xiri doonaan deegaanka Damerjog ee Jabuuti iyo Dewele oo ku taalla Itoobiya.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa doonaysa inay hesho sahay shidaal oo joogto ah, iyadoo yareynaysa ku-tiirsanaanta gaadiidka shidaalka ee mara waddada u dhexeysa dekedaha Jabuuti iyo Itoobiya. Arrintan ayaa ka mid ah sababaha Itoobiya ay xoogga u saarayso dhismaha dhuumahan shidaalka qaadi doona.

Jabuuti ayaa dhankeeda ka heli doonta faa’iido dhaqaale, maadaama mashruucu kordhin karo isticmaalka iyo shaqada dekedaheeda, gaar ahaan goobaha loogu talagalay soo dejinta iyo maaraynta shidaalka.

Itoobiya oo ah dal ay ku nool yihiin dad badan balse aan lahayn deked u gaar ah oo ay si joogto ah uga soo dejisato shidaalka, ayaa ku tiirsan dekedaha dalalka deriska ah si ay u hesho sahayda shidaalka iyo badeecooyinka kale ee muhiimka ah.