Fahad Yaasiin oo fariin adag u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,
๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐
Waxaan si adag u cambaaraynayaa goโaanka lagu dhimay xuquuqdii dhaqaale ee hawlgabka, ciidamada naafada ku noqday difaaca dalka iyo qoysaska shuhadada Ciidamada Qalabka sida ee naftooda u huray Qaranka.
Arrintani maanta ma bilaaban. Muddooyinkii hore waxaa jiray cabashooyin iyo walaac la xiriira qaabka loola dhaqmayey qaybo ka mid ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ugu nugul ee ku tiirsan daryeelka Qaranka: ๐ช๐จ๐ฒ๐ฌ๐๐ฌ๐ค๐ ๐ฌ๐ก๐ฎ๐ก๐๐๐๐๐, ๐๐ข๐ข๐๐๐ฆ๐๐๐ ๐ง๐๐๐๐๐๐ ๐๐ก ๐ข๐ฒ๐จ ๐ก๐๐ฐ๐ฅ๐ ๐๐๐ค๐. Haddii maanta xuquuqdoodii dhaqaale lagu sii sameeyo dhimis, waxay sii xoojinaysaa dareenka ah in kuwii Qaranka u huray naftooda, lixaadkooda iyo cimrigooda lagu hayo dayacaad iyo cadaadis halkii ay ka heli lahaayeen ilaalin iyo maamuus qaran.
Waxaa arrinta sii culaysinaya in Dowladda Federaalka ay sannadkan soo saartay ๐๐๐๐ซ ๐๐ซ. ๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐ฒโ๐๐๐๐ ๐๐๐ซ๐ฒ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐ ๐จ๐จ๐ง๐ญ๐ ๐๐ก๐ฎ๐ก๐๐๐๐๐, ๐๐๐๐๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ฐ๐ฅ๐ ๐๐๐ค๐ ๐๐ข๐ข๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐จ๐จ๐ ๐ ๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐, halka xeerarka dowladda ay Wasaaradda Gaashaandhigga ku waajibinayaan korjoogtaynta barnaamijyada daryeelka xubnaha ciidanka iyo daryeelka naafada, qoysaska iyo shuhadada. Sidaas darteed, tallaabo kasta oo xuquuqdan lagu dhimayo waa in lagu saleeyaa sharci cad, hannaan hufan iyo isla-xisaabtan.
Waxaan Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud iyo taliskiisa si cad uga dalbanayaa inay shacabka iyo Ciidanka u soo bandhigaan ๐ฌ๐๐ฅ๐ค๐ ๐ฌ๐ก๐๐ซ๐๐ข ๐๐ ๐ ๐จโ๐๐๐ง๐ค๐๐ง, ๐๐ข๐๐๐ ๐๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฌ๐๐ฒ, ๐๐ฐ๐จ๐จ๐๐๐ ๐ฌ๐ก๐๐ซ๐๐ข ๐๐ ๐ฅ๐๐ ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐ฒ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฌ๐๐๐๐๐ญ๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐๐ฒ๐ฌ๐ค๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐ ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐ฎ ๐๐ข๐ฅ๐๐๐๐๐ฒ ๐ช๐๐ฒ๐๐๐ก๐ ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ง๐ฎ๐ ๐ฎ๐ฅ ๐๐ข๐ข๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐ง๐ค๐.
Haddii aan la soo bandhigin saldhig sharci oo cad, waxaa jira suโaalo culus oo ku saabsan waafaqsanaanta tallaabadan xeerarka iyo nidaamyada loogu talagalay ilaalinta xuquuqda shuhadada, naafada iyo hawlgabka. ๐๐๐๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐ ๐ฌ๐๐ซ๐ ๐ฅ๐๐ ๐๐ฆ๐ ๐๐ช๐๐๐ฅ๐ข ๐ค๐๐ซ๐จ ๐ข๐ง๐ฎ๐ฎ ๐ฑ๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช ๐ฌ๐ก๐๐ซ๐๐ข ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฆ๐ข๐ ๐ช๐๐ซ๐๐ง ๐ฅ๐๐ก ๐ฎ๐ฅ๐ ๐๐ก๐๐ช๐ฆ๐จ ๐ฌ๐ข๐๐ข๐ข ๐ ๐ฎ๐ง๐ง๐จ ๐ฆ๐๐๐ฆ๐ฎ๐ฅ ๐จ๐จ ๐ฆ๐๐ซ ๐ฅ๐ ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง ๐ค๐๐ซ๐จ, ๐ฆ๐๐ซ๐ง๐ ๐ฅ๐๐ ๐ ๐ฃ๐๐ซ๐ข ๐ค๐๐ซ๐จ.
Markii aan maqlay goโaankan, ma aanan filayn in hoggaan Soomaaliyeed uu gaari karo tallaabo culayskeeda dhaqaale lagu saarayo dadka ugu mudan in Qaranku garab istaago; agoonta shuhadada, xaasaskooda, naafada dagaalka iyo halyeeyadii cimrigooda ku bixiyay difaaca Soomaaliya.
In maanta laga jaro ama laga dhimo biilka qoysaskii ay ka tageen askartii Qaranka u dhimatay ma aha oo keliya goโaan dhaqaale. Waa tallaabo dhaawacaysa karaamada shuhadada, xuquuqda naafada, iyo kalsoonida ciidanka maanta hubka u sita difaaca Qaranka.
Shuhadadu Qaranka waxba kama aysan reeban; waxay siiyeen wixii ugu qaalisanaa ee baniโaadam leeyahayโnaftooda. Naafadu waxay lixaadkooda iyo caafimaadkooda ku waayeen difaaca calanka iyo shacabka Soomaaliyeed. Carruurtooda iyo xaasaskooda looma samafalayo; ๐ฐ๐๐ฑ๐๐ฒ ๐๐๐ซ๐๐ง๐ค๐ ๐ค๐ฎ ๐ฅ๐๐๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐ฑ๐๐ช ๐ฅ๐๐ ๐ฎ ๐ฆ๐ฎ๐ญ๐๐ฒ๐ฌ๐ญ๐๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ข๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ง๐๐-๐ก๐ฎ๐ซ๐ง๐ข๐ฆ๐จ.
๐๐๐ฑ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ญ๐๐ฅ๐ข๐ฌ๐ค๐ข๐ข๐ฌ๐ ๐ฌ๐ข ๐๐๐ ๐ฎ ๐ฐ๐๐ฒ๐๐ข๐ข๐ง๐๐ฒ๐๐:
Sidee askariga maanta jiidda hore jooga looga filayaa inuu naftiisa u huro Qaranka, haddii faririnta loo dirayo ay tahay in marka uu shahiido ama naafoobo laga dhimi doono biilka carruurtiisa iyo qoyskiisa?
Ciidanka waxaa lagu dhisaa kalsooni. Askarigu waa inuu ogaadaa in Qaranka uu maanta difaacayo uu berri ilaalin doono qoyskiisa haddii uu ku shahiido gudashada waajibaadkiisa. Haddii kalsoonidaas la burburiyo, waxaa dhaawacmaya mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee uu ku dhisan yahay Ciidanka Qaranku.
Sidaas darteed, waxaan ugu baaqayaa Madaxweynaha iyo taliskiisa:
๐๐ง ๐ฌ๐ข ๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐ก ๐จ๐จ ๐๐๐ง ๐ฌ๐ก๐ฎ๐ซ๐ฎ๐ฎ๐ ๐ฅ๐๐ก๐๐ฒ๐ง ๐๐ข๐ ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐ฎ ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฑ๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช ๐ค๐๐ฌ๐ญ๐ ๐จ๐จ ๐ฅ๐๐ ๐ ๐ฃ๐๐ซ๐๐ฒ ๐๐ฆ๐ ๐ฅ๐๐ ๐ ๐๐ก๐ข๐ฆ๐๐ฒ ๐ฌ๐ก๐ฎ๐ก๐๐๐๐๐, ๐ง๐๐๐๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ก๐๐ฐ๐ฅ๐ ๐๐๐ค๐ ๐๐ข๐ข๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐จ๐จ๐ ๐ ๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐, ๐ฅ๐๐ง๐ ๐๐ก๐จ๐ฐ๐ซ๐จ ๐๐ก๐๐ฆ๐ฆ๐๐๐ง ๐ฑ๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ข ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐ ๐๐ ๐ช๐จ๐ฒ๐ฌ๐๐ฌ๐ค๐จ๐จ๐๐.
Miisaaniyad la hagaajinayo lagama bilaabi karo agoonta askartii dalka u dhimatay. Dhaqaale la badbaadinayana lagama raadin karo qoysaska kuwii naftooda ku bixiyey badbaadinta Qaranka.
Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa hayโadaha sharci-dejinta, garsoorka iyo kuwa kale ee ay khusayso inay hubiyaan saldhigga sharci ee goโaankan, isla markaana la xaqiijiyo in xuquuqda shuhadada, naafada iyo hawlgabku aysan mar dambe ugu xirnaan goโaan maamul oo keliya.
๐๐ก๐ฎ๐ก๐๐๐๐๐ฎ ๐๐จ๐ ๐๐ฒ ๐ฆ๐๐๐ง๐ญ๐ ๐ข๐ฌ๐ค๐ฎ ๐๐ข๐๐๐๐๐๐๐ง ๐ฆ๐ ๐ฅ๐๐ก๐; ๐๐๐ซ๐๐ง๐ค๐ ๐๐ฒ ๐ฎ ๐๐ก๐ข๐ง๐ญ๐๐๐ง ๐๐ฒ๐๐ ๐ฐ๐๐๐ฃ๐ข๐ ๐ค๐ฎ ๐๐ก ๐ข๐ง๐ฎ๐ฎ ๐๐จ๐๐ค๐จ๐จ๐๐ ๐ง๐จ๐ช๐๐จ, ๐๐ ๐จ๐จ๐ง๐ญ๐จ๐จ๐๐ฎ๐ง๐ ๐ฆ๐ ๐๐ก๐ ๐ฆ๐๐๐ฌ๐ก๐ ๐ฅ๐๐ ๐ ๐๐ข๐ฅ๐๐๐๐จ ๐๐ก๐ข๐ฆ๐ข๐ฌ๐ญ๐ ๐ค๐ก๐๐ซ๐๐ฌ๐ก๐๐๐๐ค๐ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐.
Ilaalinta qoysaska shuhadada iyo naafada Ciidanku waa ilaalinta sharafta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Waxaana waajib qaran ah in askari kasta oo maanta difaacaya Soomaaliya uu hubiyo hal arrin: ๐ก๐๐๐๐ข๐ข ๐ฎ๐ฎ ๐๐๐ซ๐๐ง๐ค๐ข๐ข๐ฌ๐ ๐ฎ ๐ฌ๐ก๐๐ก๐ข๐ข๐๐จ, ๐๐๐ซ๐๐ง๐ค๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ ๐ฎ๐ฎ๐ฌ๐๐ง ๐ค๐ ๐ญ๐๐ ๐ข ๐๐จ๐จ๐ง๐ข๐ง ๐๐๐ซ๐ซ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ญ๐ข๐ข๐ฌ๐.






